WorldRemitAds

Dawladda Switzerland ayaa dhawaan meel marisay shacri cusub oo shacabka dalkaa u ogolaanaya in mushaharo joogto ah, bil walba laga siiyo khasnada dawlada, taas oo la xidhiidha is badalo cusub oo dalkaa laga hir geliyay, dawlada talada haysaana ay doonayso inay ka dhaqan geliso wadanka.

Nidaamkan cusub ee musharahada aan shuruudo ku xidhnayn lagu siinayo shacabka dalka Switzerland ayaa la xidhiidha, horumarinta degaanka iyo nolosha bulshada, taas oo lagu doonayo in muwaadiniinta dalkaasi ay isku filaansho dhaqaale oo dhamaan ay ka wada siman yihiin ay gaadhaan.

SomlegalAds

Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii xisbiga talada dalka Switzerland hayaa ay shacabka dalkaa soo hor dhigeen, afti ku saabsan nidaamkan cusub ee mushaharada aan shuruudu ku xidhnayn shacabka loogu qorayo, taas oo shacabka dalkaa intiisa badani diideen oo ay ku gacan saydheen, natiijadii ka soo baxdayna ay noqotay mid aanay xukuumadu raali ka ahayn.

Haddana xukuumada dalkaasi markii lagaga adkaaday aftida, meel marinta sharciga mushaharka muwaadiniinta, halkaa kumay joojin ee waxay uga gudubtay qaab kale oo garowcasho ah, waxaanay degaanadii sida wayn sharcigan looga taageersanaa ka bilowday hir gelinta sharcigan, taas oo sida wararku sheegayaan ka dhaqan galay degaanka Raniaw.

Degaankan oo sida la sheegay ay ku nool yihiin dad ilaa kun iyo sadex boqol oo qoys lagu qiyaasay, waxa bil walba la siin doona mushaharo aan wax shuruud ahi ku xidhnayn, taas oo marka la qiyaaso noqon doonta, lacag u dhiganta lix boqol iyo afatan dollarka Maraykanka ah, waxaana mushaharkan heli doona qof kasta oo shan iyo labaatan jir da’diisu gaadhsiisan tahay.

Talaabadan ayay maamulka dalka Switzerland ku sheegeen mid abaal marin loogu siinayo degaankan, oo sida la sheegay ku guulaystay tartan kun degmo oo dalkaa ka mid ah ay u galeen, waxaanay lacagtan musharahka ahi noqon doontaa mid aan shuruudi ku xidhnany oo aan qofka waajibaad cayiman lagaga doonayn, sida ay ku warantay jariirada The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa.

Waxa xusid mudan in lacagtan Musharka ah ee dawladu bilaa shuruuda ku siinayso muwaadiniinta dalkeedu ay u dhiganto boqolkiiba sodon musharada rasmiga ah ee shaqaalaha dawlada oo cel celis ahaan noqonaya labo kun iyo afar boqol oo dollar bishii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.