WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 04, 2018 (Saxafi) – Shabakadda Faaqidaada geeddi socodka siyaasaddaha dunidda ee worldview.stratfor.com ayaa sheegtay in ay gobolka ka muuqdaan laba xaaladood oo midkood tahay tan Ethiopia u saamaxday inay Marrin biyoodka Bada Cas door ku yeellato, halka kan labaad uu yahay ka dawladda Somalia ee la xidhiidha inay midowga Afrika kala wareeggaan amaanka.

Warkani waxaa uu intaas ku daray in Shirkadda DP World ee Imaaraadku ay shaacisay inay Ethiopia iibsatay heshiiska dekedda Berbera ee Somaliland 19%.  Taas oo Shabakadu tilmaantay inay Ethiopia u leedahay faa’iido weyn maadaama ay baahi weyn u qabto inay hesho deked ay wax u soo maraan. Laakiin, tan badalkeedda waxaa warbixintu sheegay in ay Dawladda Somaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo ku tahay waqcad siyaasi ah, maadaama oo ay u arkagto inay Somaliland tahay sharciyan qayb ka mid ah Somalia. Warbixintu waxaa ay ku dooday in taasi keentay durba inay Somalia ku dhawaaqdo in meel lagaga dhacay shuruucda caalamiga ah ee madax banaanidda dal leeyahay. Sidaas oo ay tahay worldview.stratfor.com waxaa ay sheegtay in Xukuumadda Farmaajo ku jirto xaalad adag oo siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka soo horjeesto heshiiska Somaliland, DP World iyo Ethiopia ee Dekeda Berbera oo ku kicinaysa  dufaano hor leh. Waayo, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed, oo loo yaqaan ‘Farmajo’.  Waqti haatan laga joogo sanad waxaa soo waajahan xaalad culus oo xafiiskiisa la degay ka dib markii laga hor yimmid Dhiibistii Jabhadii ONLF ee Qalbidhagax, taas oo ka hor keentay dad badan.

Tan ka sokow, worldview.stratfor.com waxaa ay aamin san yihiin in Imaaraadku raadinayo waddo kale oo lagu wiiqo Farmaajo oo u janjeedhay dhinaca Qatar dagaalkii labada u kala jabiyay waddamada Gacanka Carabta. (GCC).

SomlegalAds

Dhibaatooyinka la dariska ah dawladda Farmaajo ayaa marka la soo ururiyo warbixintu sheegtay inay faa’iido dhinac uga tahay Ethiopia, Somaliland iyo Imaaraadka. Maadaama Ethiopia raadinayso Jid ay wax u maraan 100 Milyan oo Muwaadiniinteeda ah. Laakiin, dhinaca kale, haddii laga eego, Farmaajo laftiisa ayaa ka faa’iidaysan karra haddii uu dhinaca wanaagsan ka eego oo uu iska Ilaabo wax aanu waxba ka qaban karrin, Islamarkaana isku kobo sidii uu uga shaqeyn lahaa amaanka. Islamarkaana AMISOM ugala wareegi lahaa hawsha ay hayaan,

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.