WorldRemitAds

Ceel-Afweyn, Somaliland, March 04, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Arrrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo wefti uu hogaaminayay oo ay qayb ka yihiin Gudida nabadgelyada ee Golaha Guurtida ayaa shalay soo xidhay nabadeyn deegaanka Ceel Afweyn ka dhalata, waxaana goobta lagu dhaariyey Cuqaasha iyo dadkii wax ka dhinteen ee labada dhinac sidoo kale waxa la dhaariyey guddi xidhe ah oo ka kooban 15 toban ruux.

Dhaarinta Ceel-AfweynMadasha dhaarinta oo ka dhacday hoolka guriga martida ee degmada Ceel Afweyn ayaa waxa madasha ka soo qayb galay Maxkamadda Degmada, badhasaabka Gobolka, wasiirka arrimaha gudaha, labada beelood ee dirirtu dhex martay, culimada, haweenka, aqoon yahanka, iyo dadkii dadkoodu dhinteen.

“Waxa laysla qaatay in nabadda la xidho oo qolo walba laga dhaariyo 15 ruux, sidoo kale waxa la dhaariyey Dadkii dadkoodu ka dhinteen oo kala ahaa 8 iyo 7 ruux iyo qolada saddexaad oo ahayd xidhaha labada beelood oo laga soo xulay odayaasha Ceerigaabo.”

SomlegalAds

Shirkan oo ku furmay jawi dagan ayaa ku dhamaaday xasilooni waxaana labada beelood markale lala balamay maanta kulan garnaqsi ah oo qolo walba dhankeeda hadalka ka ciil bixi doonto isla markaana qoloda khaladku ku cadaato sharciga la mirin doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.