WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 04, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay dawladda  Soomaaliya oo ka soo horjeedsatay heshiis saddex geesood ahaa oo ay dalka isu tagga imaaraadka carabta 1dii bishan ku kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World, kaasi oo ku saabsanaa saamiga Itoobiya ku yeelanayso maalgashiga marsada Berbera.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax [Guri-barwaaqo], ayaa  ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya u soo jeediyay inuu mideeyo degmooyinka Muqdisho oo aanu xukumin inta uu ka hadlayo midnimadii Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ka akhriyey shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu u qornaa sidan:-

SomlegalAds

“Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa  Jimcihii 2.03.2018 soo saartay war-saxaafadeed ay kaga soo horjeedo  heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee 1-dii bishan dhexmaray dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya iyo shirkadda DP World. Haddaba warsaxaafadeedkaas ayaa ahaa mid is burinaya,sidan hoos ku cad:

  • Qodobka 1aad waxa lagu sheegay in laba dhinac oo kala ah Itoobiya iyo DP World ay heshiis wada galeen, arrinkaasi dhabta aad uga fog.
  • Qodobka 2aad waxa  ee warsaxaafadeedkaa waxa lagu caddeeyey in Somaliland, Itoobiya iyo DP World heshiis wada galeen, iyagoo markii hore is diidsiiyey inay xusaan jiritaanka  darafka Somaliland.
  • Qodobka 3-aad, ayaan darro, waxa ku cad inay isdiidsiinayaan inaynu ahayn labada dawladood oo midoobay 1960kii, kala baxayna 1991kii, taasi oo ah gef iyo gardarro oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland lagu la kacay. Dastuur ay sheegeenna uu  iyaga u gaar yahay.

 Sidaas awgeed waxaannu madaxda dawladda federaalka Soomaaliya  xusuusinaynaa:

  1. In Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay, kuna dhaqanto dastuurkeeda, kaasi oo dadkeedu 97% u codeeyeen rubuc qarnina lagu soo dhaqmayey.
  2. In qodobka 90aad, fiqradiisa 6aad ee xeerka JSL dhigayo inay JSL heshiis la geli karto ciddii ay doonto.
  3. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud [Siillaanyo] iyo madaxweynihii hore ee dawladda federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ay bishii Diisamber   ee 2014kii,  magaalada Jabuuti, ku heshiiyeen inaan la siyaasadayn heshiisyada mashaariicda lagu horumarinayo gobollada Geeska Afrika.
  4. Inaanu Heshiiskani ahayn mid cusub ee uu yahay dhamaystirka heshiiskii bishii Ogost 2016kii ay JSL iyo DP World wada galeen, Baarlamaanka JSL-na ansixiyeen.
  5. Inkastoo aan JSL la aqoonsan haddana lama diidi karo xaqiiqada jirta ee ah in adduun weynuhu ka warqabo  in dadka reer Somaliland ay dawladnimadoodii la soo noqdeen,  waxaana marag ugu filan in Raysal wasaare Xasan  Khayre oo jooga dalka isu tagga Imaaraadka hortiisa heshiisyo  dawliya  lagu la galay JSL.
  6. Riyada midnimada Soomaaliyeed intaanu ka hadal, waxa ka habboon inuu mideeyo degmooyinka magaalada Muqdisho ee aanu maamulin.
  7. Ugu dambayntii waxaanu filaynaa in dawladaha Geeska Afrika ay soo dhaweeyaan heshiiskaasi horumarineed oo waxtar weyn u leh dadweynaha iyo dawladaha gobolka Intaba.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.