WorldRemitAds

Koox arday jaamacadeed ah oo qalin jabinaysay ayaa xiligii xaflada qalin jabintooda la qabanay uu dab ka kacay, xarunta kuliyadooda, waxaanay ardaydaasi xafladooda sii wateen iyada oo jaamacadu gubanayso, ka dib markii ay barxada hore oo ka durugsan goobtii dabku ka kacay ay ku qabsadeen xafladoodi qalan jabinta.

Ardaydan oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Dalian ee gobolka Liaoning ee waqooyiga Shiinaha, ayaa albaabka boobay ka dib markii dab ka kacay, kuliyadoodi wakhti loo qabanayay xafladii qalan jabinta, waxaanay u baxeen dibada hore ee jaamacada si ay uga fogaadaan qiiqa iyo dabka ka kacay xarun kayd oo kuliyada ka mid ah.

Sawirada wakaaladaha wararku ka qaadeen ardaydan ayaa la arkayay, iyaga oo taagan meel barxada jaamacad ka mid ah, ka dibna galaya sawiro guud oo ay dhoola qoslayaan, isla markaana koofiyadahooda cirka u tuurayeen, wakhtigaas oo qiiqu cirka isku shareeray kuliyadii ay ka qalin jabiyeen oo dab qabsaday awgeed qiiq madow cirka isku shareeray.

SomlegalAds

Arday qlin jabisayTalaabadan ardaydu ku dhaqaaqeen ayaa si wayn uga cadhaysiiyay masuuliyiinta kuliyadaas, waxaanay sheegeen in wakhtiyada soo socda lala xisaabtami doono, isla markaana ay baadhitaan ku samayn doonaan sawirada ardaydii damaashaadka samaynayay markii jaamacadu gubanaysay iyo kuwii ka qayb qaadanayay bakhtiinta dabka.

Masuul u hadlay jaamacad degaankaas ayaa ficilkan ardaydu sameeyeen ku tilmaamay wax laga xumaado, oo fool xumo iyo axmaqnimo isugu jira, waxaanu sheegay in arday kasta oo muwaadin ah ay waajib ku tahay ilaalinta kuliyada iyo dugsiga uu ka qalin jabiyay si jiilasha danbe iyo carruurta ka yar yari u isticmaalaan, laakiin waa sida uu hadalka u dhigaye waxa ardaydaasi sameeyeen tahay, anagu waanu dhamaysanayo oo uma baahnin kuliyadaasi hadday gubanayso iyo haddii kale.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.