WorldRemitAds

Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska oo laba iyo sodon jir ah ayaa gurigeeda seexatay xili habeenimo ah, waxaanay toostay iyada oo shan iyo toban jir ah, waxa ay ilowday dhamaan nolosheedi gaar ahaan qaybihii ugu waynaa uguna waayaha badnaa.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Naomi Jacobs, ayaa laga masaxay guurkeedi iyo ilmaheedi ay dhashay, waxa kale oo ay ilowday dhacdooyinkii waaweynaa ee dunida soo maray, Gabadhan ayaa aad ula yaabtay is badalka maskax ahaan iyo muuqaal ahaan ku dhacay wakhti aad o yar oo ay huruday furaashkeeda hurdada, waxaanay si deg deg ah u tagtay markii ay hurdada ka soo kacday, muraayada tawlayt-ka gurigeeda, halkaas oo ay garan kari wayday wajigeeda iyo muuqaalkeedan cusub.

Haweenaydan oo ahayd hooyo xaas iyo carruur leh, waxa wakhtigii yaraa ee ay huruday ay ku ilowday, in ay hooyo ahayd oo ay dhashay inan yar, waxa kale oo ay garan kari wayday guriga ay joogto, waxanay xasuusnayd oo kaliya dugsiga sare ee ay dhigan jirtay yaraanteedi.

SomlegalAds

Sida jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda oo sheekadan warisay ku warantay, waxa gabadhan ku dhacay xanuun qofka ku keena in uu ilaawo dhamaan noloshiisi hore oo dhan, mararka qaarkoodna qaybo ka mid ah noloshiisa uu qofku ilaawayo.

Gabadhan ayaa hore ka qaadatay buugaag iyo qalimo labaatan sanadood ka hor ay ugu danbaysay, waxaanay isku diyaarisay sidii ay u tagi lahayd dugsi, waxa ay ilowday in ay cunto iyo caano siiso ilmaheeda yar, waxaanay mar qudha badashay dhamaan nolosheedi oo dhan.

Markii dadkii kale ee guriga la deganaa ay tooseen ayaa waxa ka dhex dhacay muran iyo is maan dhaaf ay sheeko iyo shuqul midna isku af garan waayeen, muran dheer ka dib waxa loo dalbaday dhakhaatiir baadhis ku samaysa, kuwaas oo xaqiijiyay in gabadhan uu hurdada ku haleelay xanuun loogu yeedho, “Amnesia disease. Kaas oo qaybo ka mid ah waayaheedi nololeed ilowsiiyay waxna ka badalay muuqaalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee Jacob waxa ay aaminsan tahay in ay shan iyo toban jir tahay, oo ay waliba ciyaalo iskuul tahay, waxaanay sidataa uun buug iyo qalin, waxaanay dhigtay ilmaheedi yaraa ee ay jeclayd oo laabta iyo bogii ay ku hayn jirtay, ku badashay qalin iyo buug.

Xanuunka hurdada ku haleelay gabadhan ayaa ka mid ah cudurada dhif iyo naadirka ku ah dunida, waxaana sida la sheegay uu xanuunkani ku dhacaa dad aad u tiro yar, sida qiyaasta caafimaadku sheegtayna boqolkii kun ee qofba hal qof ayay suura gal tahay in xanuunkani ku dhici karo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.