WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, December 13, 2016 (Saxafi) – Dawladda Somalia ayaa sheegtay inay baadhitaan ku samaynayso Markab Xoolo ka koobnaa Dibbi ka qaaday dekedda Muqdisho, isla markaana Sucuudigu dib ugu soo celiyay isla Muqdisho kadib markii sida dawladda Sucuudigu sheegay ay ka heleen xoolahaas xanuun, isla markaana ay u cuskatay go’aankeeda ay ku xayirtay dhammaan xoolihii uga soo dhoofi jiray dhulka Soomaalida.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia, Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in baadhitaanno ay ku ogaanayaan Cudurrada laga helay Xoolaha laga dhoofiyo Somalia ay ku bilaabeen Xoolahii laga soo celiyay Sacuudiga, ka dib markii dawladda Sucuudiga hakiyeen xoolihii Soomaalidda arrimo caafimaad oo aan la shaacin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay guddi u xilsaareen si loo baadho xoolaha, isagoo hadalkiisa ku daray in Natiijada Baadhitaannadan ka soo baxa ay la Wadaagi doonaan Warbaahinta.

SomlegalAds

Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in Dalka Sacuudiga uu mar kale dib u dhoofsado Xoolaha Somalia oo dhaqaalo badan ay ka helaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Sida wararku sheegayaan sababta xoolaha loo joojiyey ayaa ka dambeeyey xoolo laga shakiyey oo laga dhoofiyey dekadda Muqdisho taasina ay keentay in dib loogu soo celiyo Muqdisho xoolahaasi.

Dawladda Sacuudiga ayaa hakisay xoolaha uga dhoofi jiray dhulka Soomaalidu degto, iyadoo sheegtay in ay xanuun ka heshay Markabkaas xoolaha siday ee dib loogu soo celiyay Muqdisho oo markii hore laga dhoofiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.