WorldRemitAds

Waxay ka mid tahay horumarka iyo tayaynta adeega Madaarka.”Wasiirka Duulista

Hargeysa, Somaliland, December 13, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa xadhiga ka jaray, waxa ka badal lagu sameeyay goobaha adeega Dadweynaha ee Madaarka Cigaal International Airport , iyo Qalab Cusub oo ay Madaarka Hargeysa ku soo kordhisay Hay’adda u xilsaaran Madaarka Rogista iyo Rarista Diyaaradaha oo noqonaya mid waxweyn ka tari doono baahida adeeg ee Madaarkaas.

 Wasiirka Duulista oo hadal kooban ka jeediyey munaasibaddii xadhig ka jarista ayaa waxa uu yidhi:-“Waxaan ugu horayn u mahadcelinayaa shirkada NASHA  kana mida gacmaha ay Wasaaradu ku shaqayso kuna hawlgasho waxaanan leeyahay adeegan iyo mid ka balaadhanba waa laydinka sugayaa si uu Madaarkeenu ula jaanqaado Madaarada caalamka kuwa aynu la jaarka nahay iyo kuwa kaleba.”

SomlegalAds

Wasiirku isaga oo ka hadlaya ku talo galka Wasaaradiisa waxa uu yidhi:- “Ka Wasaarad ahaana way naga go’antahay inaanu tayayno adeega aanu ka bixino Madaarada hadii ay tahay xaga nabadgelyada iyo xaga bidqabka  Diyaaradaha, waxaan markale u mahadcelinayaa Maamulka Madaarka oo iyaga laftoodu kala shaqeeyay hawshan iyo madaxda iga hoosaysa ee Waasaarada oo qorshahan iyagu qayb ka ahaa waxaanan leeyahay bi,idmilaahi tacaalaa mid inoo suurto geliya inaynu mustaqbalka noqono ama la jaanqaadno Madaarada, himiladayaduna intaa waa ka balaadhan tahay. Waxaan marlabaad iyo mar saddexaad u mahadcelinayaa shirkada NASHA oo aan leeyahay ku dhiirada inaad ka qayb qaadataan intan iyo in ka badan, Waxay ka mid tahay horumarka iyo tayaynta adeega Madaarka.”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Cumar Cabdillaahi Aadan oo faahfaahin ka bixinaya sababta ka danbaysey keenida Qalabkan ayaa yidhi:-“Run ahaantii adeega ay soo kordhisay shirkada NASHA  wuxuu qayb wayn ka yahay horumarinta iyo kor u qaadista Madaarka caalamiga ah ee Hargeysa iyo guud ahaanba Madaaradeena waxaa jiray sanad ka hor in Wasaarada Duulista Hawada iyo shirkada NASHA kulan yeesheen kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu horumariyo adeega Madaarada ee shirkada NASHA  bixiso oo la gaadhsiiyo heerka caalamiga ah ee Madaarada,”

Agaasimihu isaga oo u mahad celinaya Maamulka shirkada NASHA waxa uu yidhi:-“aad baanu runtii uga mahadcelinaynaa inay shirka NASHA shirkaa wixii kasoo baxay ku camal fashay, waxaanan jecelahay qalabkani inuu yahay kii labaad ee ay keenaan, waxay ila tahay hal mar dhiman yahay , qalab saddexaad ayaa soo socda ayaan jeclahay, kuwani waa kuwii labaad.”

Agaasimaha NASHA Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi:-“Aad baan ugu mahadnaqayaa Wasiirka Wasaarada Duulista Farxaan Aadan Haybe, Maamulka madaarka iyo dhamaan hawlwadeenada Madaarka, iyo dhamaan Hay’adaha ka shaqeeya Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International  Airport aad bay farxad iigu tahay aniga oo ku hadlaya magaca shirkada NASHA ee qaabilsan adeegada gaarka ah ee loo qabto shirkadaha ka goosha Madaarada Somaliland oo dhan oo ay shirkada NASHA ku soo kordhisay qalab cusub”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.