WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 13, 2016 (Saxafi) – Waxa magaaladda Hargeysa ku soo badanaya haweenka muruqmaalka ah oo aroor kasta u soo kalaha sidii ay arsaaq uga raadiyaan shaqooyinka guryaha ee maalinlaha ah, kuwaas oo inta badan loo kaxaysto shaqooyinka ay ka midka yihiin meydhista dharka, guryaha iyo xafiisyadda.

Haweenkan inta badan ku shaqaysta shaqooyinka maalinlaha ah ayaa ku soo badanaya magaalada Hargeysa, waxaanay xarun ka dhigteen garoonka Xawaadle oo inta badan loogu yimaado, halkaas oo ah meesha kaliya ee magaaladda Hargeysa loogu yimaado haween ku raacaya hadba meesha qofka loogu shaqaynayo.

Weriye ka tirsan Wargeyska Saxafi ayaa booqday goobta Garoonka Xawaadle oo ka tirsan degmada 26 June ee Magaalada Hargeysa, waxaanu halkaas kula kulmay qaar ka mid haweenkaas oo uu ka waraystay duruufaha ku gedaaman shaqadoodan, isagoo inooga diyaariyey warbixintan:

SomlegalAds

Dumar farabadan oo danyar ah ayaa xafiiska loogu soo hagaago waxay ka dhigteen garoonka Xawaadle, waxaanad arkaysaa mar kasta oo aad ag marayso haween u soo baratamaysa gaadiidka goobtaasi istaaga oo ay moodayaan in gaadhigii soo istaaga shaqo u hayo.

Hal mar inta ay soo wada cararaan ama u soo kala barataan ayey kugu odhanayaan “walaalo maxaanu ku qabana maxaad u baahan yahay, ma dhar baan ku maydhnaa, ma guri ma xafiis” ayey dumarkaasi judhiiba kugu bilaabayaan.

Faadumo Cumar waa gabadh dhallinyaro ah oo da’ ahaan  35 jir ah, una shaqaysa qoys ka kooban 10 qof, waxaanay sheegtay inay u soo kallahday sidii ay noloshooda u deberi lahayd, iyadoo sheegtay in qoyskooda ay iyadu u shaqayso, Aabbohoodna wakhti hore dhintay.

“Anagu agoon ayaanu nahay oo Aabbahay ayaa dhintay bari dhawayd, aniga ayaa guriga u nin ah, waxaanu nahay toban carruur ah, mar mar inamada ayaa ilaahay wax noogu soo dhibaa, iskuul wax noogu jiraana ma jiro” ayay tidhi Faadumo Cumar oo wejigeeda ay ka muuqato duruufta nololeed ee ay ku sugan tahay.

Waxaanay sharaxday shaqooyinka ay qabtaan ee ay subax kasta u soo kalahaan iyo sida ay ku helaan una kala qaybsadaan,waxaanay sheegtay inay ka shaqeeyaan maydhista dharka,guryaha iyo wax kasta oo fudud oo maalinlaha lagu qabto.“Dharka ayaanu maydhnaa, guryaha ayaanu maydhnaa wixii nalo diraba waanu qabanaa ,waxba ma diidno wixii Alle naga soo hor saaraba waanu qabana,halkanna waxaanu ku sugnayn afar sanno”ayey tidhi Faadumo oo ka hadlaysa sida u shaqayso.

Maryan oo iyana ka mid ah dumarkan ayaa sheegay in maalina ay shaqo helaan maaalina aanay helin, waxaana goobtan noo tahay xarunta dadku nagu bartay oo mid kasta oo haween doonaya inay dharka ku maydhaan noog yimaadaan.

 “Mararka qaarkood Koox koox ayaanu u shaqaynaa oo waanu is wada raacnaa haddii afar qof la doonayo waanu is raacnaa, waa la is kaashadaa… Haddii aanu konton doollar aanu helo oo aanu afar nahay sidii naloo siiyo ayaanu u shaqaynaa,tiradayadu konton kor ayay u dhaafaysaaa” ayay tidhi Maryan.

Qof kasta oo shaqo qabanaya waxa uu shaqadaasi kala kulmaa culays iyo cadaadis faro badan. Maryan waxay sharaxaysaa shaqadan ay dumar ahaan qabtaan iyo culayskeedii, iyo marka ay halkan ka waayaan waxa kale ee ay qabtaan ma sida ay shaqo ku helaan.

“Markaannu halkan shaqo ka wayno gurigayga ayaanu ku noqonaynaa,haddii shaqo naloo dhiibo sidii ay tahay ayaanu u qabanaynaa…Ta noogu culus ayaa ah dharka iyo guryaha la maydhayo,culuys badan ayay nagu haysaa, aroor aroor ayay naftu ku odhanaysaa haba tagin illayn bila’aadan baad tahay’e”ayey tidhi Maryan.

Dalka waxa ka jira duruufo nololeed oo kala duwan, dumar badan ayaa u tafa xayta sidii ay nolosha reerohooda u deberi lahaayeen ,kuwaasi oo qoysas badan ka biiliya hawl maalmeedkoodaa kallahaadda ah.

Dumarkan ayaa dar ilaahay u aamina qofka u yimaada ee shaqo ka doonaya, waxaanay iska raacaan gaadhiga u yimaada ee u sheega inay shaqo u hayaan, waxaanay sheegeen in ilaahay badbaadiyo oo iyagu muhiimadda kowaad ka dhigteen uun inay shaqo helaan balse aanay qofka is raacayaan oo u badan rag ama dumarba, kuwaas oo inta badan gaadhigooda ku qaada, balse aanay ka shakiyin ama aanay ammaankooda u biqin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.