WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, December 13, 2016 (Saxafi) –Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan xaasaasi ah kula yeeshay magaalada Boorama guddi culus oo mus-dambeed u ah mid ka mid ah beelaha dega gobolka Awdal.

Labadan masuul oo ah murrashaxiinta jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbal-xaakimka KULMIYE oo hadda ku sugan magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal kadib markii wefti ballaadhan oo ay horkacayaan booqasho ku tageen halkaas maalintii Axaddii si wayna loogu soo dhaweeyey, ayaa kulamo la yeeshay guddiga hoggaamisa beesha Habar-Carfaan oo ka mid ah beelaha Samaroon oo doonaysa inay meel ku hubsato masiirkeeda siyaasadeed kadib markii ay ka hulleeleen xisbiga WADDANI oo caddaalad-darro ku sameeyey siyaasiga Axmed Muumin Seed oo xilka madaxweyne-ku-xigeenka ugu tartamayey shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi.

Kulamo xidhiidh ah oo dhexmaray Murrashaxiinta KULMIYE iyo guddiga Habar Carfaan oo ka kooban 25 xubnood oo ay hoggaaminayaan madaxdhaqameedka beesha oo uu ugu mudanyahay Suldaanka guud Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa labada dhinac kaga wadahadleen arrimo salka ku haya iskaashi siyaasadeed.

SomlegalAds

Kulamadan ayaan loo ogolayn warbaahinta marka laga reebo sawirro lagu baahiyey Internetka, mana jiro wax war ah oo dhinacyadu ka soo saareen, balse sida laga soo xigtay dad xogogaal ah waxa la sheegay in is fahan buuxa ay wada gaadheen madaxda KULMIYE iyo guddiga beeshu, isla markaana ay isku afgarteen iskaashi mideeya oo la shaacin doono dhawaan.

Soo dhawayntii ballaadhnayd ee weftiga Madaxweyne-ku-xigeen Saylici iyo Guddoomiye Muuse Biixi kala kulmay magaalada Boorama iyo wadahadalkan dhexmaray madax-dhaqameedka iyo guddiga hoggaamisa beesha Habar Carfaan, ayaa ka dambeeyey saluug wayn oo beeshani ka qaaday xisbiga WADDANI oo hore ay si xoog ah u taageeri jirtay, isla markaana tacab badani ka galay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.