WorldRemitAds

Akhriste sida aad la wada socono caafimaadku waa nimcada ugu wayn ee Illaahay ku manaystay aadamaha, waxaana ku lamaan xanuun iyo dhibaato soo gaadha caafimaadka, kuwaas oo Alle (SW) sidoo kale inoogu deeqay inoona hibeeyay dad wax ka qabta oo loo fududeeyay horumarintiisa iyo wax ku darkiisa, hadaba sida dhacda shaqo kasta oo dunidda la qabto dad baa horumar ka gaadha magacna ku hela oo maqaam lagu xasuusto xitaa marka ay geeriyoodaan ka taga

Haddaba qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa dhakhaatiirtii dunida ugu caansanayd ee taariikhda soo mara. Marka laga hadlaayo hawlaha Caafimaadka, run ahaantii waa arin qof walba layaab ku noqon karta.

Waxay nu ka wada dheragsan nahay in caafimaadku uu yahay badbaadinta aadamaha iyo noolaha kale ee bukaanka ah, dadka ka hawl gala xaaladahaasna waxaynu u naqaana, badbaadiyayaasha nafaha aadamaha, sidaa dareteed waxaynu tixgalin gaara siinaa hawl wadeenada caafimaadka marka aynu aragno.

SomlegalAds

Maanta waxa laga yaabaa in hawlaha caafimaadku ay ka sahlan yihiin sidii hore, laakiin waxaad kafakari kartaa wakhtiyadii hore ee aanay dhakhaatiirtu haysan wax qalab ah oo ay dadka ku baadhaan, dhakhaatiirtu waxay qaliinka u isticmaali jireen gacmahoodu markay wax qalayaan, hoos udhugo taxanaha hoose eek u xardhan dhakhaatiirta in uun caawimo u gaystay baniaadamka noloshiisa.

Waxaan u malaynayaa in badankeenu aqoon ahaan waxuun kagaranaayo magacyada dhakhaatiirtan hoos ku qoran waana magacyada calaami ahaan looyaqaanay.

Laguna aqoonsanaa hawlihii iyo daraasadihii ay caanka ku noqdeen. Mason Andrews, waxa uu ahaa dhakhtar u dhashay dalka Maraykanka waxaanu noolaa intii u dhaxaysay (1919–2006).

Dr. Andrews Waxa lagu majiirtaa in uu ahaa dhakhtarkii ugu horeeyey ee sameeya tuubka waa quruuradda lagu koriyo dhiciska aan gaadhin sedkiisi uu ku dhalan lahaa.

Dhakhtarkani waxa uu madax ka ahaan jiray Ururka Dhakhaatiirta Haweenka iyo Dhalaanka ee Maraykan, waxaanu dedaal badan ku bixiyay sidii loo horumarin lahaa caafimaadka hooyadda iyo Dhalaanka ee dalkiisa iyo dunidda inteeda kale.

Virginia Apgar (1909-1974), Drs. Apgar waxa ahayd haweenay khabiir ku ah Suuxdinta iyo habka loo suuxiyo bukaanka, ka hor intaanu qaliin galin. Dhakhtaradani waxay can ku ahayd Baadhitaanka ilmaha marka ugu horaysa ee uu dhasho, taas oo loogu magac daray isla iyada dunidana looga yaqaano baadhitaanka habka Apgarka.

Guud ahaan haweenaydan ayaa nolosheeda u hurtay sidii ay u daryeeli lahayd bukaanka iyo dadka jiran, taas oo ah waxa gaadhsiiyay in ay ka mid noqoto dadka aan xusuusta aadamaha ka bixin marna, Christian Barnard, oo ahaa khabiir aad ugu xeel dheer qalinka wadnaha isla markaana u dhashay dalka koonfur afrika waxa uu noolaa intii u dhaxaysay (1922–2001).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.