WorldRemitAds

Warbaahinta Reer Galbeedka Oo Si Layaab Leh U Qaada Dhigtay Socdaalka Madaxweyne Donald Trump Ee Dalka Sucuudi Arabiya.

Inta badan warbaahinta kala duwan ee dalalka Reer Galbeedka ayaa si wayn u qaada dhigtay, socdaalka Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump Uu ku ku tagay dalka Sucuudi Arabiya oo noqonaya, kii ugu horeeyay ee uu tan iyo intii uu xilka qabtay dibada uga baxo dalkiisa.

Donald Trump oo intii uu ku jiray ololihiisi doorashada si wayn u naqdiyi jiray waddamada Islaamka gaar ahaana dawladaha carabta, isla markaana taa badalkeeda taageero wayn oo aan xad lahayn u muujin jiray dalka Israel ayay warbaahintu si wayn uga warantay is badalka ku dhacay tan iyo intii uu xilka qabtay.

SomlegalAds

Madaxweyne Donald Trump oo ugu danbayntii madaxa dhulka u dhigay, boqorka Sucuudiga Arabiya, ka dibna isagoo Sujuudsan loo xidhay bilada dahabka ah ee boqortooyada Sucuudigu ku sharfaan madaxweynayaasha Maraykanka, sidaa waxa ku warantay jariirada New York Times oo cadadkeedi maalintii shalay soo baxay diirada ku saartay socdaalka Donald Trump ee dalka Sucuudi Arabiya.

Faalada New York Times ay ciwaanka ugu dhigtay, Donald Trump oo ugu danbayntii u sujuuday boqorka Sucuudiga, waxa ay kaga warantay, hadaladii uu Madaxweynaha Maraykanku ku diri jiray boqortooyada Sucuudiga iyo dunida Islaamka iyo siduu isu badalay 360-ka digrii.

Jariirada ayaa sheegtay in Donald Trump khaladka ka muuqdaa aanu ahayn mid uu imika galay, oo hore ay madaxweynayaal badani madaxa dhulka u dhigeen boqortooyada Sucuudiga, balse uu khaladkiisu dhacay wakhtigii uu ololaha ku jiray ee uu sida indho la’aanta ah u duri jiray dal saaxiib iyo is bahaysi wayn la ah Maraykanka.

Jariirada kale ee Washington Post ayaa iyaduna si mug leh uga warantay socdaalka Donald Trump ee dalka Sucuudiga, waxaanay jariiradu faalo ay ka qortay socdaalka Trump ee dalka Sucuudiga ku tilmaantay mid uu kaga yara nafisay fadeexada is daba jooga ah ee hadheeyay siyaasidiisa iyo muranada distooriga ah ee uu galay intii uu xukunka hayay.

Jariirada ayaa boqortooyada Sucuudiga ku tilmaantay saaxiib qaaliya oo Maraykanku leeyahay, waxaanay si gaar ah u calaamadisay, erayadii dhiifta lahaa ee uu ololaha ku galay Donald Trump, oo ay ku tilmaantay kuwo meel ka dhac ku ah dublamaasiyada iyo xidhiidhka saaxiibtinimo.

Dhinaca telefishanada CNN- ayaa si gaar ah diirada u saartay is badalka lama filaanka ah ee Donald Trump, ku dhaca markii uu xukunka qabtay ee uu kulamada la yeeshay, boqorka Urdun, Madaxweynaha Falastiin iyo madax kale oo carbeed, waxaanay shabakada wararka CNN- faalo muuqaal ah ku muujisay wax ay ugu yeedhay aqoon daradii Donald Trump ee saaxiibada bariga dhexe Maraykanku ku leeyahay uu ku weeraray markii uu ololaha ku jiray.

Isku soo wada duubo qoraalada iyo muuqaalada kala duwan ee warbaahinta reer galbeedku kaga falaatay socdaalka Donald Trump ee boqortooyada Sucuudiga, ayaa u muuqday kuwo xaal marin u ah boqortooyada Sucuudi Arabiya, isla markaana xaqiraad dhinaca kale ku ah Donald Trump, dibna ay ugu xasuusinayso inuu meel kaga dhacay dalkaas xulafada wayn la ah waddankooda, oo hubka ugu badana ka iibsada, mar kastana taageera siyaasadihiisi bariga dhexe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.