WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 21, 2018 (Saxafi) – Wargeyska The Guardian ayaa maqaal dheer oo uu daabacay ku faaqiday doodda ku saabsan dhamaystirka Somaliland ku qabyo tirtay nidaamka dawladdnimo iyo sida aan beesha caalamku illaa hadda uga garaabin dedaalkeedda.

Maqaalkan oo uu qoray Joshua Keating oo ka mid ah bahda Wargeyskas ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland in kasta oo aanay aqoonsan waddamada kale haddana ay leedahay Calan, Baarlamaan,  Lacagta iyo waxyaabaha lagu aqoonsaddo qaranka. Sidaas darteed,waxaa qoraagu is weydiiyay waxaa ay tahay in ay dhacdo ka hor intaan xaaladdu isbeddelin?

SomlegalAds

Qoraagu waxaa uu yidhi. “Markaad joogtid Somaliland, marnaba wax su’aal ah iskama weydiinaysid oo shaki kaama galayo inaad joogtid waddan dhab ah….. Markii aan tagay garoonka diyaaradaha Hargeysa, sarkaal laanta socdaalka ee Somaliland ah oo labisan ayaa hubinayay fiisada Somaliland oo ay soo saartay qunsuliyadda Somaliland ee Washington DC. Garoonka diyaaradaha, waxaa ka muuqday calanka Qaranka Somaliland. Intii aan ku socday magaallada gaadhigii I qaaday waxaan siiyay Lacagta Somaliland, waxaan wax ku iibsanayay shilinka Somaliland” Ayuu yidhi. “Laakiin sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dawlad kasta oo kale oo caalamka ka mid ah, ma aqoonsana Somaliland, waa dad sabool ah laakiin deggan oo dhaca  Geeska Afrika”

Wariyuhu waxaa uu tilmaamay in Doodda Somaliland ka duwan tahay waddamada aan la aqoonsan. “Si ka duwan sida Koonfurta Sudan ka hor madax bannaanideedda, doodda Somaliland ee dawladnimadu waxay ku salaysan tahay inaan dib loo furrin xudduudaha gumeysigu ka tagay ee sharciga ah”

Wargeysku waa uu sii wadday waxaana uu sheegay in aanay sidoo kale ahayn  Taiwan iyo Falastiinba. Wargeysku si qoto dheer ayaa uu u sharaxay dhinacyadda ay ku kala duwan yihiin oo ah in Taiwan iyo Falastiin-ba siyaabo kala duwan dalal ka xoog badani u haystaan oo ay u xayiran yihiin.

Waxaa kale oo uu sharaxay, suuqyadda Hargeysa, Sarifka lacagaha, Xoolaha nool ee la aro iyo Geella oo amrka uu magaalada dhex socdo inta badan Ajaanibka cajab geliya.

Waxaa uu sheegay in had iyo goor Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanku uga digto dadkeeda intay tagaan Somalia oo ay Somaliland ku jirto. “Sababtoo ah khatarta joogtada ah ee ay ku hayaan kooxda argagixisada ah ee al-Qaida , al-Shabaab. “Laakiin markaad joogtid, waxaad si dhakhso ah u ogaaneysaa in digniinahaas aan loo baahnayn. Hargeysa waa mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee  Afrika. Marka laga reebo wasakheynta iyo gaadiidka, ma jiraan wax badan oo aad ka walaacaysaa markaad socoto, in kastoo ajinabigu marka ay ka baxanayaan caasimadda looga baahan yahay in ay shaqaaleeyaan ilaalo hubaysan tan iyo markii la diley shaqaale gargaar oo ajnabi ahaa oola soo weeraray 2004-kii. Ma jiraan wax falal argagaxiso ah oo ka dhacay Somaliland tan iyo 2008-dii, markii ay is-miidaamiyayaashu weerareen xarunta madaxtooyada iyo qunsuliyadda Itoobiya. Marka la barbardhigo koonfurta, ma jiraan wax budhcad-badeed ah oo ka socda xeebaha Somaliland.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.