WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 09, 2015 (Saxafi) – Duufaan hor leh ayaa la filayaa inuu salaasadda ku soo beegmo deegaano ka mid ah dhulka Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Duufaankan ayaa ku soo beegantay todobaad ka dib markii Duufaantii Chapala ay khasaare ka geysatay koonfurta dalka Yemen iyo qeybo ka mid ah deegaano ka mid ah Somaliland sidda Lughaya iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Duufaan-Megh2Duufaanka la baxay Chapala ayaa dalka Yemen ku dishay ugu yaraan 8 qof, walow khasaaraha soo gaadhay Somaliland iyo bariga deegaanada Puntland ay ku koobneyd burbur soo gaadhay guryo iyo gaadiidka bada.

SomlegalAds

Duufaanta Megh ayaa la sheegay inay ka awood yartahay tii Chapala, balse duufaantan Megh ayaan ku waajahneyn xoogeeddu dhanka Yemen, balse duufaantan ayaa la filayaa inay dul marto Bada cas gaar ahaan koonfurta Yemen, Somaliland iyo waliba Jabuuti oo ay gaadhi doonto sida la saadaalinayo maalmaha soo socda.

Xalay ilaa shalay ayaa la saadaalinayay in duufaantan Megh inay ku dhufato jasiirada Socotara oo hore khasaaro xoogleh uga soo gaadhay Duufaantii Chapala, maanta ilaa barri ayaana la tilmaamay in duufaantan Megh soo gaadhi doonto xeebaha dhulka Somaliland, waxaana la qiyaasay inay uga gudbayso dhanka Jabuuti.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore dad weynaha ku dhaqan xeebaha ugu jeedisay inay ka feejignaadaan duufaanadda socda waqtigan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.