WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 10, 2016 (Saxafi)- Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in haddii uu Kulmiye ku biirro aanay dambi ahayn mar haddii uu siyaasi Maxamed Cabdi Gaboose uu Cabdiraxmaan Cirro ku biiray, isla markaana Saleebaan Gaal-na hore ugu biiray Siilaanyo oo ay col ahaayeen.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in xubno ka mid ah guddidii uu xulay inay xisbiyada la kulanto sadex ka mid ahi go’aan kaligood gaadheen balse isagu go’aankiisa dhabta ah uu toddobaadka dambe shaacin doonno mustaqbalkiisa siyaasadeed halka uu ku furi doonno.

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya garabkooddii iyo waxa ku keenay kala jabka waxa uu yidhi“Maanta iskugu nimid in mad madowga ka saarno oo aanu cadayno  halka garabkayagii aan hogaaminayey u socdo, waad ogaydeen oo wixii nagu wada dhacay waad ogaydeen, guddi shan qof ah ayaaan saaray oo aan anigu magacaabay, waxaan ku nidhi waa inaad la shirtaan labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI,maadaama oo aanu xisbigiiyagii naga burburay in aan dadkayagii aanay siyaasadda banaanka ka istaagin ee ay xisbi is barbar istaagaan, shantii xubnood marka ay soo ururiyaaan warbixinta waxay ahayd inay aniga ii yimaadaan oo meel isku biyo shubanno, guddi way kala jabeen oo laban qof ee  garab fadhiyaba, saddex ka mid ah guddigii iyo xubno kale ayaa warbaahinta la hadlay oo ay u sheegeen in garabkii Jamaal Cali Xuseen ku biireen xisbiga WADDANI, taasina waxba kama jirin oo la igalama tashan, gudida sadexda qof iyo masuuliyiintii kale ee ila soo halgamay abaal iyo wanaag faro badan ayaan u hayaa, haddii ay iyagu go’aansadeen inay ku biiraan WADDANI ducaan ugu daray, aniguna waxaan dib ugu noqonayaa dadkii nala soo shaqeeyey iyo taageerayaashii aan kula noqon doonaa halka cududayadda ku wareejin doonnaa, waxaana cadayn doonnaa toddobaadka soo socda”

SomlegalAds

mar la waydiiyey inuu damacsan yahay inuu ku biirayo xisbiga KULMIYE waxa uu kaga jawaabay “hadddii aan Muuse Biixi  iyo kulmiye eego wax dhibaato ah kuma jiraan, Gaboosaba waakii ku biiray isagoo la col ahaa Cirro, Saleebaan gaalna waa kii ku biiray Siilaanyo, marka ragaasi dee gaallo maaha siyaasadana way jiri jirtay rag col ahaa oo marka dambe isku yimaada, siyaasadda waa la yidhaa saaxiib joogta ah ma leh ee dan joogta ah ayey leedahay taasna Somaliland baan ku bartay, raga waawen ee ruug cadaaga ahi ee Gaboose iyo Saleebaan-ba wixii ay sameeyeen haddii aan sameeyo dee waxba kuma jabna, saaxiibaddayda iga degdegayna waan jeclaa inaan isku aragi noqono haddii aan xisbi galayno iyo haddii aanu siyaasadaba ka nasanaynaba labada wali way noo banaan tahay ”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.