WorldRemitAds

Nin ku eedaysan gacan ku dhiigle oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku guulaystay in muddo sadex iyo toban sanadood ah, uu booliska iyo laamaha cadaalada iska qariyo, ka dib markii uu adeegsaday, midho u suura geliyay inuu badalo wajiga si aan la garanayna uu raad gadka ugu sameeyay.Gacan Ku Dhiigle Shiine Ah Oo 13-Sanadood Cunayay Midho Wejigiisa Bedelay Kana Badbaaday In La Garto

Sida ay baahisay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, ninkan Shiinaha ah oo lagu magacaabo, Xie, ayaa dil badheedh ah gaystay sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo xiligaas caydhsanayay, ciidamada Booliska iyo dhamaan laamaha kala duwan ee cadaalada.

Laakiin ninkan ayaa ku guulaystay inuu si dabiici ah, u badalo muuqaalka wajigiisa, muddo sadex iyo toban sanadood ahna marin habaabiyo booliska, waxaanu sida warbaahintu sheegtay ku guulaystay inuu qof kale oo aan la garanayn isu badalo.

SomlegalAds

Ninkan ayaa si joogta ah maalin iyo habeenba u quudan jiray, midho sida looska oo kale qolof dusha ku leh, kuwaas oo marka la salool si fudud loo cuni karo, waxaanay midhahaas oo aanan magacooda Somali ku garanayn, ay ka mid yihiin, cuntooyinka fudud ee lagu madadaaloodo, sida wayna looga isticmaalo waddamo badan oo ka mid ah qaarada Eeshiya.

Xie ayaa sida warbaahintu sheegtay, waxa midhahan uu joogtada u cunayay, badaleen muuqaalka wajigiisa, gaar ahaan afka, debnaha iyo dhabanada.

Midhahan marka la saloosho la cuno ee uu ninkani kaga badbaaday in la xidho, ayaa ah kuwo haddii aad loo badsado yareeya, afka, sanka iyo dhabanada, waxaanu qofku isku badalaa qaab kale oo ay adkaanayso sida loo gartaa.

Geedkan uu ninkani isku midab badalay, ayaa ah mid marka la isticmaalo, qofka geliya fir fircooni iyo mirqaan badan, waxaanu badalaa midabka debnaha iyo carabka, haddii aad loo badsadana waxa uu sababa in qofku ugu miyir doorsoomo sida Alcohol-ka oo kale.

Xie ayaa ku guulaystay inuu warqadihiisa aqoonsiga badalo oo waxa uu samaystay, aqoonsi kale oo qof qoyskooda oo dhintay, uu magaciisa la baxay, muddo sadex iyo toban sanadood ahna wuxuu marin habaabiyay booliska iyo ehelada ninkii uu dilay sanadkii 2002-dii.

Ninkan ayaa baadhitaan dheer ka dib boolisku ku guulaysteen in arbacadii hore ay ka soo qabtaan gobol badhtamaha dalkaas ku yaala, laakiin sida booliska laftoodu ku warameen, waxa uu ninkani ku guulaystay inuu booliska khalkhaliyo, lana garan waayo oo uu muuqaal kale yeesho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.