WorldRemitAds
Arooska wiil uu dhalay milyaneer Hindi ah oo ka dhacay dalka Talyaaniga ayaa noqday arooskii ugu qaalisanaa dunida, kaas oo lacagta ku baxday awgeed loogu magac daray arooskii qarniga, waxaanu galay rikoodhka lagu qiimeeyo aroosyada dunida.
Sida wakaaladaha wararka dunida intooda badani baahiyeen, Rohan Mehta oo ah wiilka kaliya ee uu dhalay, milyaneerka reer Hindiya ee Yogesh Mehta, oo ah ganacsadaha leh Petrochem Empire ee Magaalada Dubai, ayaa ku ku kacay afar iyo toban milyan oo giniga Isterliinka ah, taas oo u dhiganta labaatan milyan oo dollar lacag ku dhow.
Wiil Uu Dhalay Milyaneer Reer Hindiya Ah Oo 20-Milyan Dollar Ku AroostayArooskan oo ka dhacay magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, ayaa marti sharaf caalami ah oo shan boqol tiradoodu gaadhayso lagu casuumay, waxaanu socday muddo sadex maalmood ah, oo damaashaad iyo fantasiyaha arooskan lagu jiray.
Yogesh Mehta, oo ah aabaha dhalay Ninkan Hindiga ah ee arooska ugu qaalisan dunida dhigtay, ayaa isagu sanadkii 1995-kii, magaalada Dubai ee Isu Taga Imaraatka Carabta ka aasasay shirkada ganacsiga kala duwan ee Petrochem Empire, taas oo uu macaash badan iyo hanti boqolaal milyan oo dollar ah ka helay.
Arooskan ayaa lagu qabtay, hudheel wayn oo caan ka ah magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, kaas oo xidigo waaweyn oo dunida caan ka ahi, ku aqal galeen, balse aanay dad intan ka tiro leeg iyo lacag qiyaastan oo kale ahi aanay ku bixin.
Sadex maalmood ayaa hudheelkan ka midka ah kuwa dunida ugu qaalisan ay ku raaxaysanayeen, marti sharaftaa shanta boqol ee qof ka badnayn, kuwaas oo sida la sheegay dunida inteeda badan la soo kala casuumay, ayna ka mid ahaayeen, fanaaniin, siyaasiyiin, ciyaar yahano iyo dad badan oo dunida ku dundia aadka looga yaqaano iyo kuwa ugu hantida badan isugu jira.
Sanad ka hora yay ahayd markii milyaneer kale oo reer Hindiya ahi uu isna aroos aad u wayn oo wakhtigaas noqday ka dunida ugu qaalisan dhigtay, in kasta oo lacagta ku baxday wakhtigaasi aanay ka badnayn sideed milyan oo dollar.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.