WorldRemitAds

Shirkad laga leeyahay dalka Switzerland oo lagu magacaabo, “Iconspeak”, ayaa dhawaan soo saartay garamo kuwa shaadhadhka laga hoos gashado ah, oo sida la sheegay qofka u safra waddan kale ee aan luuqada lagaga hadlana fahmi Karin ka caawinaya sidii loo fahmi lahaa.

Sida shirkadan oo ka shaqaysa fududaynta is fahamka dadka kala luuqadaha ah ee dunida oo sanadkii 2005-tii la sameeyay, waxa garamadan ku yaala afartan calaamood ama sawir, kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha aasaasiga ah ee dadku marka ay safarka yihiin ugu baahida badan yihiin.

160419104956-icnspk-boattime-exlarge-169 Calaamadahan sawirada ah ayaa garankan kaga yaala laabta, waxaanu qofku marka uu wax u baahdo, uu dadka aanay is afgaranayn, kaga dalban karaa inuu farta ku taabto, tusaale ahaan haddii qofku biyo rabo oo aanu garan Karin waxa dadka uu la jooga biyaha u yaqaanan, waxa uu taabanay muuqaal sida qasabad biyo ka socdan la moodo oo ka mid ah calaamadaha garankan laabta kaga dhegsan.

SomlegalAds

Garamadan ayaa sida shirkadu sheegtay si gaar ah loogu talo galay, dadka safarka badan ee had iyo jeer u socdaala waddamo aanay dadka ku dhaqan luuqadooda aqoon u lahayn, waxaana sida shirkadu sheegtay ay garamadani fududayn karaan is fahamka dadka aan is afgaranayn.

160419105751-icnspkferry-exlarge-169Mid ka mid ah masuulada shirkada Iconspeak ee dalka Switzerland oo ka hadlay sababta ku kaliftay samaynta garankan, ayaa yidhi, “Waxay figrada garankani igu dhalatay sanadkii 2003-dii, wakhtigaas oo aan safar ku marayay dalka Vietnam, ka dibna dhug dhugley aan watay iga xumaatay, aniga oo maraya tuulo yar oo dadka ku dhaqan qof luuqad kale garanayaa aanu ku jirin.

Xaalada ayaa markii ay igu adkaatay ee cid isku kaaya afgarata aan waayay ay igu kaliftay inaan waraaq ugu sawiro wixii aan doonayay ee inay iga caawiyaan aan u baahnaa ayuu yidhi, Mr. George oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada garamadan is fahamka dadka kala luuqadaha ah samaysay ee reer Switzerland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.