WorldRemitAds

Xaaska Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee Ku Guulaystay doorashadii dalkaas ka dhacday, Melania Trump, ayaa sida warbaahinta dalka Maraykanku cadaysay, noqon doonta, marwada koowaad ee dalka Maraykanka, waa haweenaydii ugu horaysay ee soo galayti sharci daro ah iyagoo ku gashay dalka Maraykanka haddana ka noqoto marwada koowaad.

Melania Barron William, haweenaydan hore loo odhan jiray imikana lagu magacaabo, Melania Trump, waxay sanadkii 1996-kii, ka soo hayaantay, dalka Slovenia, ka dibna sifo sharci daro ah ayay ku soo gashay dalka Maraykanka.

Muddo kooban ka dib ayay noqotay haweenay dharka xayaysiisa, hasa yeeshee waxa markiiba lagu eedeeyay inay soo galayti sharci daro ah tahay, taas oo ka baajisay shaqadii xayaysiiska iyo quruxda.

SomlegalAds

Wakhti yar ka dib ayaa kafiil laga noqday oo iyadoo damiin laga yahay ay shaqadeedi dib ugu soo noqotay, lacag badan oo ay heshay ayaa u sahashay in sharciga deganaanshaha dalka Maraykanka ee Green Card-ka loo yaqaano hesho sanadkii 2001.

Melania Trump ayaa shaqadeedu ahayd mid lacag badan ay ka hesho, taas oo sida warbaahintu sheegtay ay todobadii todobaadba mushahar u qaadan jirtay labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah.

Dedaal badan oo ay samaysay ka dib waxa ay ku guulaysatay inay muwaadinad Maraykan ah noqoto oo ay hesho, waraaqda US Citizen, sanadkii 2006.

Melania Trump oo intii ololaha doorashada Madaxtinimada Maraykanku socotay wakhtiga intiisa badan ku qaadan jirtay daaha dabadiisa, ayaa sida wakaalada wararka Maraykanka ee (AP), ku warantay noqon doonta mid hadal haynteeda iyo eedaha loo jeedinayaa aad u badan doonaan muddada afarta sanadood ah ee odaygeedu xilka hayo.

Waa haweenaydii ama xaaskii sadexaad ee Donald Trump guursado noloshiisa, waana haweenayda ugu da’da yar uguna quruxda badan dhamaan xaasaskiisa, sida uu marar kala duwan sheegayna waa haweenay dul qaad badan oo uu aad u jecel yahay.

Melania ma noqon doonto mid sidii Michelle Obama loo jecel yahay, oo marka ay khudbadaynayso masraxa ruxda dadkuna si wayn ugu sacabiyaan, mana noqon doonto haweenay sidii Hillary Clinton loo daba orodo, maqaam aad u sareeyana ka gaadha dalka Maraykanka.

Waxa ay ku daba xusnaan doontaa Musharax intii uu ololaha doorashadiisa ku jiray, aflagaadeeyay, Haweenka, Muslimiinta iyo dadka Latin-ka dhalashadoodu ka soo jeedo ee dhalashada Maraykanka haysta, waxa kale oo ay noqon doonta haweenay daba taagan odaygeeda inta ugu badan haweenka Maraykanku neceb yihiin, mid danbi ka galayna u aaminsan yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.