WorldRemitAds

Fiidnimadii Jimce ee 15-ka July 2016, waxa dalka Turkiga ka bilaabmay, inqilaab milatari oo qaybo ka mid ah ciidamada dalka Turkigu ku doonayeen inay ku afgambiyaan, xukuumada rabitaanka shacabka ku fadhida ee uu hogaamiyo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Ciidamadan oo sida libaaxa bulbul iska kicinaya ayaa rasaas ka bilaabay biriishka gacanka Bosfor ee kala qaybiya Dhinaca Yurub iyo Daanta Eeshiya ee Magaalada Istanbul, kaas oo ah astaanta magaaladaasi caanka ku tahay.

Waxa xigay diyaarado kuwa dagaalka ee ugu casrisan dunida ee F-16-ka loo yaqaano, kuwaas oo aad ugu soo dhawaaday magaalada isla markaana samaynayay dhawaaqyo argagax leh oo cabsi geliyay shacabka dalkaas.

SomlegalAds

Erogan Oo Ka Hadlay Hudheelkii Lagu Duqeeyay Ee MarmarisIsla xaalad la mid ah ayaa laga dareemayay magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Ankara, laakiin in badan oo ka mid ah shacabka dalkaas ayay ku adkaatay inay fahmaan ujeedada rasmiga ah ee ficiladan saska ku abuuray ay ciidamada dalkoodu u samaynayaan.

Laakiin waxa ay kala cadaatay, markii ay xooga ku geleen, telefishanka Dawlada ee dalka Turkiga, isla markaana kaga dhawaaqeen inay afgambiyeen dawladii Rayidka ahayd ee Xisbiga Cadaalada Iyo Horumarinta ee Madaxweyne Erdogan hogaaminayo.

2796436942Ciidamada inqilaabka waday ayaa ka hadlay sababta ay u afgambiyeen xukuumadii dadku soo doortay, waxaanay mar marsiiyo ka dhigteen in dawlada Erdogan noqotay mid dalka dhibaato gelisay, isla markaana lumisay kalsoonidii shacabka Turkiga, sidaa awgeed ay u sameeyeen inqilaabkoodan, waxaanay balan qaadeen in dumuqraadiyad hufan oo run ah ay ka hirgelin doonaan dalka taladana dib ugu soo celin doonaan shacabka.

Waxaanu dalkaasi galay xaalad aan la malayn Karin sida ay wax u socdaan, shacabkana waxa hadheeyay cabsi iyo war war, ka dib markii ciidamadii inqilaabka waday ku dhawaaqeen inay dalka ku soo rogeen, xukuno degdeg ah, isu socodka gaadiidka iyo lugtana ay bandoo ku soo rogeen.

Erdogan Oo Ka Degay Madaarka IstanbulDhinaca xukuumadii Erdogan ayaa hadalka kaliya ee laga maqlay ahaa, codka Raysal wasaarha, kaas oo waraysi kooban oo uu siiyay telefishan gaar loo leeyahay oo dalkaas ku yaala, ka cadeeyay in inqilaab ku socdo dawladoodi, qaybo yar oo ciidamada ka mid ahina ay wadaan, laakiin la fashilin doono.

Waxaanu sheegay raysal wasaaruhu in ciidamada amniga iyo sirdoonku ku hawlan yihiin sidii loo dhamayn lahaa.

Saacado kooban ayay ciidamadii inqilaabka waday, farxad iyo ka midho dhalinta isku daygooda ay sii wateen, laakiin waxa xaaladu si degdeg ah isu badashay markii Madaxweynaha dalkaas Rajeb Dayib Erdogan uu ka hadlay ama laga daawaday telefishan ku yaala dalkaas, lana baahiyay muuqaal uu ku soo duubay telefoonkiisa gacanta.

Erdogan ayaa shacabka dalkiisa ka codsaday inay isugu soo baxaan jidadka, kana hortagaan inqilaabka, waxaanu ku dhiiri geliyay inay ku dhiiradaan is hortaaga taangiyada iyo dabaabadaha gudaha u soo galay magaalooyinka waawey ee dalkooda, isaga oo sheegay In haddii ay ku dhiiradaan taangiyadu dhabarka jeedin doonaan.

5789df50c3618886478b459fHaddii wakhtigaa la saadaliyo lama malaysan karayn in isku daygaasi rumoobi doono, sababtoo ah? Waxa inta badan dadka wax faaleeya xasuusnaayeen inqilaabyadii hore uga dhici jiray dalka Turkiga oo dhamaantood si fudud u dhamaan jiray, laguna afgambiyay xukuumado badan oo shacabku doortay, cid taageerta ama wax ka dhicisina waayay.

Laakiin may noqon mid sidii la filayay ciidamadu guul kala hoydaan, waxaana mar qudha ku soo dareeray mawjado dad ah, oo iyagoo sida daadka u qul qulaya halkoodi ugu soo galay libaaxyadii ciidamanka ee Taangiyada fuushanaa.

Saacado kooban ka dibna shacabku ay ka guulaysteen, kuna khasbeen inay noqdaan, wax is dhiiba iyo qaar lafahooda u baxsada.

Muu ahayn muuqaal caadiyan looga bartay dalka Turkiga, isla markaana ay rumaysan karaan dad badan oo dalkaas ku noolaa kontonkii sanadood ee ugu danbeeyay ama taaariikhiyan ogaa waxyaabihii ka dhici jiray dalka Turkiga marka ciidamadu taangiyadooda la soo galaan magaalooyinka.

Xaalada ayaa mar qudha si degdeg ah isu badashay, markii haddaana Madaxweyne Erdogan mar labaad ka hadlay warbaahinta ee uu sheegay in shacabku garab istaagay dawladoodi sharciga ahayd, ayna fashiliyeen isku daygii lagu afgambiyay xukuumada, waxa kale oo uu Erdogan sheegay inuu ka degi doono Madaarka Ataturk Ee Magaalada Istanbul oo ka mid ahaa meelihii ugu horeeyay ee ciidamadii inqilaabka waday qabsadeen.

Hadalkan ayaanay dad badani rumaysan ama u arkayeen mid is giijin ah oo uu Madaxweyne Erdogan kaga gilgilanayo jabka ku dhacay, warbaahinta reer galbeedka ayaana ka kow ahayd dhinacyada shakiga gelinayay isku dayga Erdogan.

Hasa yeeshe waxa afku juuqda gabay oo talo ku cadaatay, hogaamiyayaashii inqilaabka waday, markii ay warbaahinta ka arkeen, Madaxweyne Erdogan oo kumanaan shacabkii xoreeyay Madaarka Istanbul, dhex socda oo salamaaya.

Ka dibna uu jeediyay khudbad qaran oo uu shacabka, taliyayaasha ciidamada dalkiisa kula hadlayo, waxa uu sheegay in la fashiliyay inqilaabkii, sharcigana lala tiigsan doono kuwii khiyaameeyay umada ee hubkii loogu dhiibay inay ku diifaacaan dalka kula soo noqday shacabka, Erdogan ayaa cadeeyay in la nadiifin doono ciidamada oo sida uu xusay intooda badani nadiif tahay, laakiin qaybo sida boogta ku ahi ku jiraan.

Erdogan ayaa ahaa mid wakhtigaa kalsooni ka muuqato, waxaana su’aalaha ugu badani ka bilaabmeen calool adayga uu sameeyay ee uu ugu badheedhay inuu diyaarad ku tago Istanbul, kana dego garoon ay ciidamada Inqilaabku saacad ka hor haysteen xaaladiisa nabad galyana aan la malayn Karin.

Waxa kale oo ka yaabisay dadka siyaasada ka faalooda, geesinimada uu Erdogan sameeyay, markii lagu weeraray hudheelkii uu jiray, isla markaana la isku dayay in la soo rido diyaadii uu la socday, safarna galay wakhti taliyaha iyo qaybo ka mid ah ciidamada Cirka dalkiisu wadaan inqilaab ka dhan ah, diyaaradihii sugi lahaa ammaankiisuna duqaynayaan Madaxtooyada iyo xarunta barlamaanka.

Laakiin calool adayga uu sameeyay ayaa noqday mid kor u qaaday rejadii taageerayaashiisa, degdegna u kala daadiyay libaaxyadii inqilaabka, oo si degdeg ah loo bisadeeyay, isku daygoodina cirka lagaga laalay, waxaanay isu dhiibeen oo ay magan sadeen shacabkii ay rasaasta ku hadideen ee aanay ku darsan tirada inay fashilin doonaan isku daygooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.