Nairobi, Kenya, December 7, 2015 (Saxafi) – General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ayaa mar kale u soo hanjabay Somaliland, isagoo farriin dagaal ah soo mariyay munaasibad ay qabsadeen taageerayaasha kooxda la baxday Khaatumo.
Moorgan oo ahaa taliyihii Waqooyi galbeed(Somaliland) ee wakhtigii dawladii Siyaad Barre, islamarkaana ku eedaysan qayb ka mid ah masuuliyadda gumaadkii loo geystay shacabka Somaliland sanadihii sideetamaadkii ilaa sagaashanaddii oo uu ahaa Taliyihii Qaybta 26-aad ee fadhigeedu ahaa Hargeysa Waqtigii Dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre ayaa waxaa uu soo diray hanjabaad hor leh oo ka dhan ah Somaliland isaga oo khudbad ka jeediyay xaflad ay koox reer Somaliland ah oo diidan Qarannimadda dalku ku qabsatay magaalada Nayrobi ee xarunta dalka Kenya.

Jeneraal Moorgan, ayaa ka mid ah raggii ka qayb-qaatay Xasuuqii lagula kacay dadka reer Somaliland sideetameeyadii, isla markaana waxa uu ka mid yahay ragga ugu horeeya liiska gacan-ku-dhiigleyaasha goor ay noqotaba maxkamadda dambiyada adduunka la horgeyn doono.