WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 22, 2015 (Saxafi) – Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa hor tegay golaha guurtidda islamarkaana xog waran ka siiyay hawlaha ay wadaan iyo diiwaangelinta iyo doorashooyinka ku muddaysan horraanta sannadka 2017-ka.

Xubnaha ka socday gudiga doorashooyinka oo shan xubnood ahaa uuna hoggaaminayay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa guddida guurtida uga waramay hawlaha diiwaangelinta oo ay sheegeen in ay wacyi-gelintii hadda socoto lana filayo inay bilaabanto wakhti aanay cayimin.

Komishanka iyo Guddida Joogtada ee Guurtida Somaliland“Maanta (shalay) waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diiwaangelin laba jeer la gali doono, sababta aanay u dhacayni oo ay tahay in qalabkan casriga ah oo si buuxda isha u wada sawiraya iyo wajiga-ba oo labadaasi ay is barbar yaalaan. Bu’da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diiwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn 5 seken ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diiwaangaliyay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku.

SomlegalAds

Afhayeenka guddida doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in hore ay uga xumaadeen diiwaangelin dalka laga qabtay, balse hadda ay doonayaan in diiwaangelin dhaxal gal ah ay sameeyaan, waxana hadaalkiisa ka mid ahaa “Waxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diiwaangelin dhab ah, qofka dadiiisu tahay 16-jir u suuro galinaysa inuu is diiwaangelin karo.. Waxaana ay kaga duwan tahay diiwaan gelintii hore, meelo aan hore uga dhicin ama qaban (diiwaangelin) ayay tegaysaa, oo aanu ku talo jirnaa in sha Allaahu”

Mudane ka tirsan guddida ayaa waydiiyay komishanka siday suuro gal u tahay in diiwaangalinta iyo doorashaddu wada gaadho gobolada dalka mudada, waxana uu yidhi “Anagu waxaanu doonaynaa oo naga go’an oo komishan ahaan naga go’an in aanu guud ahaan xuduudaha Somaliland diiwaangelin iyo doorasho gaadhsiino,” ayuu yidhi Afhayeenka guddida doorashada Siciid Cali Muuse.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.