WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 11, 2015, (Saxafi) – Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku Somaliland ka fulin doonto mashaariic horumarineed oo shaqo abuur loogu samaynayo ummada Somaliland. Waxaanu ku baaqay inaan la siyaasadeyn mashaariicda horumarka.

Danjire Baashe Cawil oo shalay ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyay ujeedada socdaalka uu dalka ku yimi waxaana uu yidhi “Ujeedada socdaalkayagu waxa ay tahay laba arrimood. Ta koowaad waxay wasaaradda arrimaha dibaddu iskugu yeedhay danjireyaasha Somaliland.
 Arrinta labaad ee socdaalkaygu waxa weeye wefti balaadhan oo ka socda Imaaraadka oo dhawaan dalka iman doona weftigaas oo u imanaya inay dabo-galaan Mashaariicdii dalka Imaaraadku ka waday Somaliand, Haddii ay noqoto mashruucii biyaha ee xunbo-wayne iyo haddii ay noqoto mashruucii dhaamka ahaa ee dhawaan la soo daayay. ”
Baashe CawilDanjire Baashe Cawil oo ka hadlayay mashaariic waaweyn oo dawladda imaaraadku Somaliland ka fulin doonto waxa uu yidhi “Waxa kale oo mashaariicdaa la socda laba mashruuc oo dawladda Imaaraadku ugu deeqday Somalialnd. Labadan mashruuc midi waxa uu la xidhiidhaa mashruuc afarta magaalo ee Boorame, Hargeysa, Berbera iyo Burco laga fulinayo oo ah meelo Xarumo qaabilsan inay fidiyaan kaalmada aasaasiga ah ee dadku u baahan yihiin.
Haddii ay noqoto xaga caafimaadka, waxbarshadda iyo haddii ay noqoto xaga masaajidada oo dawladda Imaaraadku ugu deeqayso dalka uguna soo dhiibtay Ha’yadda Khaliifa Foundation. mashruuc labaad ayaa isaguna ah mid dawlada Imaraadku ugu tallo gashay in shaqo abuur ka samayso Somaliland. Kaas oo ah in warshad weyn oo ay ka samaynayso magaaladda Berbera oo hilibka lagu qalo oo hilibka ay qasho ay dawladda Imaaraadku iibsan doonto. Wershadaasina waxa ay noqon doontaa warshad ay leedahay dawladda Somaliland oo dawladda Imaaraadku innoogu deeqday. ”
Safiirku waxa uu ku dooday in wax wada qabsiga Somaliland iyo Imaaraadku marayo halkii ugu wanaagsanayd. “Xidhiidhka iyo wada shaqayanta ka dhaxaysa Somaliland iyo Imaaraadku waxa uu marayaa halkii ugu fiicnayd, waxa marar badan aynu maqalnaa oo warbaahinta ku aragnaa dad aan xog ogaal ahayn oo si khaldan waxa u sheegaya oo uu mashcariicdaa iyo horumarkaa dadka waxa kale ugu sheegaya. Waxaan arrintaas u arkaa nasiib darro in mashaariic horumarineed oo dalka laga fulinayo oo dawlado innagu caawinayaan la aflagaadeeyo ama la carqaladeeyo wixii horumar ah ee dawladdu soo kordhiso. dawladdu shacabkeeda uma eegto gobolaysi iyo deegaan u codeeyay iyo mid ka codeeyay, dadka oo dhan waxa ay u gudbisaa mashaariicda hadba sida baahidu u kala badan yihiin, ”ayuu yidhi danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadku.
 Mr. Baashe Cawil waxa uu ku baaqay in laga waantoobo in la siyaasadeeyo mashaariicda horumarka. “Xukuumadduna dawladaha in cawinaya ayay u gudbisaa baahiyaha dadka wixii aynu gudbinay marka ay yimaadaan shacabka ayay tahay inay ilaashadaan oo soo dhaweeyaan.
Haddii se lagu qeyliyo mashariicda la innoo keenayo cida dhibaatadu soo gaadhaysaa waa shacabka, waxa aad moodaa in dad ujeedo qaloocan lihi in dadka si qaloocan wax ugu dhigaan.
Waxaan leeyahay arrinkaa ha laga wantoobo oo ha la iska daayo in la siyaasadeeyo mashaariicda horumarka ee shacabka wax loogu qabanayo. haddii ay jirto wax khaldan oo xukuumaddu samayso oo la xidhiidha mashaariicda la wado Qofku wuu soo bandhigi karaa. Waxa khaldan, laakiin waxa reeban in telefishanka qof inta uu isa soo taago waxa uu doono iskaga hadlo, ”ayuu yidhi Danjiruhu.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.