“Waxaanu Ogaanay In Dadka La Iska Xidho Muddo Dheer Ka Hor Iyadoon Dacwadoodu Bilaabmin” Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland

WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 10, 2015 (Saxafi) – Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa warbixin ay ka diyaarisay arrimaha xuquuqul insaanka Somaliland ee ka dhacay Somaliland sannadkan 2015 iyo xadhigii wariyeyaasha ee sanadkan soo bandhigtay.

Xaruntan xuquuqul insaanka ayaa u dabaal degaysay maaalinta xuquuqul insaanka caalamka oo sanad kasta bisha December tobankeedda koowaad la qabto, kaas oo loogu baaqo in la joojiyo in lagu xadgudbo xuquuqda bani’aadamka.
Warbixinta xaruntu ka diyaarisay xuquuqul insaanka Somaliland waxay u qornayd sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay maanta, 9kii December 2015, soo saartay warbixintan oo ku saabsan xaaladda xuquuqal insaan ee Somaliland. Xarunta Xuquuqal Insaanku waa urur tabaruc ah oo aan dawli ahayn oo u taagan sidii uu u difaaci lahaa xuquuqda aadanah. Xaruntu waxay sanad walba soo saartaa ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka oo ku beegan 10ka December warbixin. Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qoraal soo koobaya xogta ku duugan warbixinta.
Koobniinka warbixinta
warbixinta xarunta xuquuqul insaanka SomalilandWarbixintani waxay ku sallaysan tahay cilmi baadhis dheer iyo diiwaangelin ay ka samaysay Xarunta Xuquuqal Insaanku dhamaan gobolada Somaliland. Cilmi baadhayaal ka tirsan Xarunta ayaa ka soo ururiyay xog dhamaan gobolada Somaliland intii u dhaxaysay bilaha April iyo October 2015. Qaybta diiwaangelinta ee ka tirsan Xarunta Xuquuqal Insaanka ayaa sidoo kale si joogto ah uga samaysa gobolada oo dhan kormeer iyo diiwaangelin ku saabsan xadgudubyada xuquuqal insaan ee ka dhaca Somaliland. ” Warbixintu waxaa ay intaas ku dartay, iyaddoo hadalkeeda sii wadatana ay yidhi. “2015 waxa gacanta booliiska Somaliland ku dhintay shan qof. Ma jirto wax baadhitaan madax banaan ah oo lagu sameeyey dhacdooyinkaas. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay baadhitaankeeda ku ogaatay xadhig aan loo marin sifada sharciga ah, mudo dheer oo xadhig lagu hayo dadka ka hor intaan dacwadoodu si buuxda u bilaabmin. Xaaladda saldhigyada booliisku waa mid daran, mana laha baahiyaha aasaasiga ah sida cuntada iyo nadaafadda. Booliiska Somaliland ma hoos tago kormeerka iyo dacwad qaadista maxkamadaha caadiga ah (civilian courts).
Suxufiyiin, u doodayaasha xuquuqal insaanka iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ayaa loo geystay kadeed ama xadhig aan sharci ahayn. Sanadkan waxa Somaliland lagu xidhay sagaal iyo toban (19) weriye.
Waxa dawladdu joojisay wargeyska Hubsad inuu soo saaro wax daabacaad ah. Waxa 30kii November lagu xidhay Hargeysa Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad iyo Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha Hubsad. Masuuliyiintu waxay ku eedeeyeen suxufiyiintaas inay soo saareen wargeys aanay ruqsad u haysan. Waxa damaanad lagu sii daayey 3dii December. Suxufiyiintan waxa laga xidhay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo ay u tageen si ay uga diiwaangeliyaan hogaan iyo mulkiilayaal cusub oo la wareegay wargeyska Hubsad. Wargeyska Haatuf oo dawladdu xayirtay April 2014 sidoo kale weli wuu xayiran yahay.
Guuleed Axmed Jaamac, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, waxa la xidhay 18kii April 2015 kadib markii uu wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC da halkaas oo uu walaac ka muujiyay habka loo qaaado dacwadaha dilka ah. Waxa lagu eedeeyey inuu ku kicinayey dadwaynaha inay ka horyimaadaan sharciga, inuu sameeyey dacaayad qaranka ka dhan ah, iyo inuu daabacay ama faafiyay war been ah oo la buun buuniyay ama war eex ah oo sababi kara inuu qaso kala danbayta. Waxa damaanad lagu sii daayey 6dii May. 26kii August na waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysi soo saartay qaraar ay ku oodayso dacwadii ciqaabta ahayd ee loo haystey.
Hogaamiye dhaqameed dhaliilay dawladda ayaa la xidhay sanadkan. Suldaan Maxamed Muuse (Cune) ayaa lagu xidhay Burco 6dii July 2015 kadib markii uu ka horyimi kordhinta mudo xileedka madaxwaynaha isaga oo waraysi siiyay warbaahinta. Waxa la sii daayey 18kii July. Suldaan Mawliid Cali Sabayste ayaa isna la xidhay 17kii September. Suldaanka waxa la xidhay kadib markii uu ka soo horjeestay oo uu dhaliilay wareejinta Hamaha Shidaalka Berbera oo lagu wareejiyay ganacsato gaar ah. Waxa la sii daayey 5tii October.
Mudaharaadka aan dawladdu ogolaan waa ka mamnuuc Somaliland. Dhawr mudaharaad oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaraadka ah ayay joojisay dawladda oo u diiday inay siiso ogolaansho iyada oo ku salaysay diidmadeed “amaanka qaranka”. Mudaharaadyadaas waxa lagu xidhay marar kala duwan laba iyo sodon (32) xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Dhamaantood waa la sii daayey.
Sanadkan todoba qof ayaa ciqaab dil ah lagu fuliyay Somaliland kadib dhawr sanadood oo aan la fulin dilka. Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Ciqaabtuba way ogol yihiin ciqaabta dilka ah. Warbixintani waxay walaac ka muujisay habka loo qaado dacwadaha dilka ah.
Waxa jira tacadiyo ka dhan ah dumarka. Dumarku waxa caqabado ka soo food saaraan sidii ay u gaadhi lahaayeen caddaaladda. Faro-gelin uu sameeyo xeer dhaqameedka iyo galdaloolo sharci oo ka jirta sharciga dalka ayaa daciifiya ilaalintii sharci ee dumarku heli lahaayeen. Tusaale ahaan, ma jiro xeer mamnuucaya gudniinka dumarka iyo guurka caruurta yar yar/guurka qasabka ah. Dastuurka Somaliland waxa uu u damanad qaadayaa dumarka xuquuq iyo xorriyaad. Haseyeeshee, dumarka si buuxda ugama muuqdan siyaasadda, taas oo hoos u dhigtay xaqa ay u leeyihiin inay siyaasadda ka qaybgalaan. Labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (oo ka kooban 164 wadar ahaan Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida) waxa ku jira hal (1) qof oo dumar ah, halka Golaha Wasiirada oo ka kooban shan iyo koton (55) ay ku jiraan sedex (3) dumar ah oo keliya. Ma jirto gabadh garsoore ah sidoo kalena ma jiro agaasime guud oo dumar ah.
Talo soo jeedin
Xukuumadda Somaliland waxa loo soo jeedinayaa inay:
  • Dib u habayn ku samayso booliiska si waafaqsan dastuurka Somaliland iyo dhaqamada wanaagsan ee caalamiga ah;
  • Hoos geys booliiska dacwad qaadista maxkamadaha caadiga ah;
  • U asteeyso baadhis madaxbanaan oo lagu sameeyo dhacdooyinkii geerida iyo dhaawaca ahaa ee booliisku ku lug lahaa;
  • Awoodda booliisku isticmaalo ay noqoto mid sharci nidaamiyo, u dhiganta khatarta soo food saarta oo si adag u raacda xadidaada sharci ee uu soo rogay sharciga Somaliland iyo halbeegyada dhaqamada wanaagsan ee caalamiga ah;
  • Booliisku uu ixtiraamo oo uu raaco dastuurka Somaliland iyo Xeerka Habka Ciqaabta marka uu cid xidhayo, baadhitaan ama qabasho samaynayo;
  • Joojiso ciqaabta ay ku qaadayso warbaahinta iyo u raacitaanka ay u raacayso dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta Xeerka Ciqaabta;
  • Laasho dhamaan eedaha ay u haysato Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilaahi;
  • Ka qaado wargeyska Haatuf xayiraadda ayna ogolaato inuu dib u furmo Haatuf;
  • Ogolaato in wargeyska Hubsad uu shaqeeyo;
  • Joojiso xadhigga iyo kadeedka ka dhanka ah suxufiyiinta;
  • Ogolaato furitaanka idaacado madax banaan;
  • Joojiso ka hortagga mudaharaadyada, oo ay ogolaato mudaharaadyada si dadku ay awood ugu yeeshaan inay isticmaalaan xorriyadooda dastuurku u damaaanad qaaday;
  • Dhaqangeliso Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National Gender Policy);
  • Samayso xeer maamula arimaha qoyska, xeer lagaga hortaggo tacadiyadda ku salaysan jinsiga islamakraana inay abuurto deegaan ka ilaaliya dumarka tacadiyada ka dhanka ah jinsiga, iyo inay dib u habayn ku samayso hay’daha sharci fulinta si dhibanayaasha tacadiyada ka dhanka ah jinsigu ay u awoodaan inay soo warbixiyaan oo ay raadsadaan caddaalad;
  • Wax ka bedesho Xeerka Ciqaabta oo ah xeer gaboobay oo ay soo saarto xeer ciqaabeed waqtiga la jaan qaadsan oo waafaqsan dastuurka Somaliland;
  • Nidaamiso goobaha shaqada si ay awood ugu yeeshaan shaqaaluhu inay isticmaalaan xuquuqdooda ku dhigan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah;
  • Diiwaangeliso qaxoontiga oo siiso ilaalin iyo caawimo.
  • Waxa loo soo jeedinayaa Baarlamaanka Somaliland inuu:
  • Ansixiyo Xeer Booliis oo waafaqsan dastuurka iyo halbeegyada caalamiga ah;
  • Ansixiyo kootada haweenka iyo qabiilada laga badan yahay.
  • •            
  • Waxa loo soo jeedinayaa deeq bixiyayaasha inay:
  • Ku cadaadiyaan dawladda Somaliland inay fuliso talo soo jeedimaha ku dhigan warbixintan ayna xaqiijiyaan in mashruucyada ay bixiyaan ay noqdaan kuwo laga eegay dhinaca xuquuqal insaanka;
  • Taageeraan dib u habayn lagu sameeyo garsoorka iyo hay’adaha sharci fulinta;
  • Taageeraan in la joojiyo ciqaabta la saaro warbaahinta, ayna hordhigaan dawladda Somaliland xayiraadda iyo joojinta wargeysyada Haatuf iyo Hubsad. ”
WorldRemitAds

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.