Hargeysa, Somaliland, December 10, 2015 (Saxafi)-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka waramay Tuuggo ku cusub magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in toddobaadkii hore gaadhigiisii oo gurigoodda horyaalla laga furtay labaddii baleydh ee gaadhiga taas oo uu muddo raadinayey.
Muwaadinka ayaa sheegay in gaadhiga noociisu ahaa Vitz numbarkiisa ahaa 67314, kaas oo uu waayey jaan iyo cidhib meel lala tagay, isagoo laamaha dawladda markiiba ogaysiiyey in laga xaday bileydhkii numbarka ee gaadhiga lagu aqoonsanayey.

Tuugadda noocan ah ayaa noqonaysa mid ku cusub magaaladda, isla markaana aan la garaneyn sababta gaadhiga looga xaday iyo waxa ay ku fallayaan kuwo gaadhiga ka furtay.