Hargeysa, Somaliland, December 10, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa iskugu yeedhay dhamaan wakiiladda Somaliland u joogay dalalka caalamka.
Amarka wasiirku iskugu yeedhay safiirada Somaliland ee ku kala sugan wadamadda kala duwan ayaa lala xidhiidhinayaa inuu kala hadli doono siyaasada cusub ee wasaaradda arrimaha dibadu ku dhaqmi doonto sanadka cusub ee 2016-ka, isla markaana kala xisaabtamo hawsha ay qaranka u hayaan.

Mudadii uu xilka wasaaradda arimaha dibada hayey wasiirkii is casilay ee Maxamed Biixi Yoonis ayaa la sheegaa inuu sameeyay dedaal la xidhiidha siyaasada arimaha dibada ee Somaliland, in kasta oo intii ololaha uu ku jiray la wariyay inay hoos u dhacday dedaaladii lagu raadinayey ictiraafka, taas oo laga sugayay wasiirka cusub Dr. Sacad Cali Shire inuu isbadal ku sameeyo siyaasada arimaha dibada isla markaana kor u qaado hawlaha ictiraaf raadinta.