WorldRemitAds

Laanta dabi baadhista u qaabilsan dalka Maraykanka ee (FBI), ayaa liiska shan iyo labaatanka qof ee argagixisada loogu raadinta badan yahay ugu horeeya, ku dartay haweenay dhalasho ahaan u dhalatay waddankaas, taas oo sida la sheegay wakhti hore gashay danbi ka dibna dalkaas ka baxsatay.

Liis Jimcihii ay soo saartay (FBI)-du ayaa lagu daray haweenaydan oo lagu magacaabo Joan Chicemard, dadka badankooduna u yaqaaneen, Asata Shakur, haweenaydani ayaa 45-sano ka hor toogasho ku dishay mid ka mid ah booliska dalka Maraykanka, ka dibna waxa ay u baxsatay dalka Kuuba sida la rumaysan yahay.

Haweenaydan ayaa ka tirsanayd jabhadii xoraynta dadka Madow ee dalka Maraykanka, ee lagu magacaabi jiray, (Black Liberation Army), taas oo dagaal lagu xoraynayo dadka Madow la gashay Maraykanka todobaatanaadkii qarnigii hore.

SomlegalAds

Haweenaydan ayaa ku eedaysan inay toogasho ku dishay mid ka mid ah booliska magaalada New Jersey (Waqooyiga Bari ee Maraykanka) 2-dii May 1973, wakhtigaas oo dilkaas sida la sheegay ay la fuliyeen laba qof oo aan iyaga la aqoonsan.

Chicemard, ayaa 1977-kii, waxaana lagu eedeeyay dilka askarigaas, waxaanay maxkamad ku taala dalka Maraykanku ku xukuntay xabsi inta nolosheeda ka hadhsan ah, hasa yeeshee laba sanadood ka dib ayay ku guulaysatay inay ka baxsato xabsigii lagu hayay.

Markii ay ka baxsatay jeelka ayaa la waayay meel ay gashay raq iyo ruux, hasa yeeshee waxa la ogaaday sanadkii 1984, oo ku beegnayd 5 sanadood ka dib markii ay xabsiga ka baxsatay, wakhtigaas oo ay dhaq dhaqaaqeeda dib uga bilowday dalka Kuba, halkaas oo ilaa wali looga shakisan yahay inay ku nooshahay, sida ay aaminsan tahay (FBI)-du.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.