WorldRemitAds

Duuliyihii Diyaaradii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka waramay, halistii iyo xaaladii adkayd ee diyaaradoodu ku fadhiisatay Madaarka Ataturk ee Magaalada Istanbul, habeenimadii Sabtidu soo galaysay ee 15-kii July 2016-ka, ee inqilaabkii fashilmay ka dhacay dalka Turkiga.

Duuliyaha oo shir jaraa’id xafiiska wasiirka cadaalada dalka Turkiga ku qabtay, ayaa sheegay in xaalad adag oo halisteeda leh ay ku jirtay diyaaradu, laakiin ay ku calool adaygeen, go’aankii geesinimada ahaa ee Madaxweyne Erdogan siiyay.

Duuliyaha Diyaarada Madaxweyne Erdogan ayaa warbaahinta u shiday wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha ku dhex maray qaybta shidka ee laga wada diyaarada, ka dib markii wasiirka cadaalada Turkiga Bekir Bozdağ, uu ogolaansho buuxa siiyay duuliyaha.

SomlegalAds

Waxaana warbaahinta loo shiday wada hadalkii Duuliyaha iyo Madaxweyne Erdogan, oo wargelintii duuliyaha ku bilaabmaysa, waxaanay u dhacday sidan.

Duuliyaha: Mudane Madaxweyne Laydhkii Way Damiyeen oo madaarku waa madow, taawirkii hagida diyaaraduhuna ma shaqaynayo, xaaladuna waa halis ee maxaad Igu amri lahayd?

Madaxweyne Erdogan: Ma Awoodaan inaad diyaarada fadhisiso, oo aad si uun u degi karto, xitaa haddii aanay inoo ogolaan inay diyaaradu fadhiisato, ma helaysaa xaalad kale oo aynu si dhuumasho ah ugu degi karno?

Duuliyaha: Haa Madaxweyne, laakiin waxay taasi inooga baahan tahay, in gaadiidkii gurmadka degdeg ah ee Madaarku shaqaynayaan, oo tusaale ahaan dab damiskii ay diyaar inoo noqdaan.

Madaxweyne Erdogan, Haddaba waxaad isku dayda in aad hawada dib inoogu celiso oo aad xaalada daristo inta ay wax iska badalayaan, laakiin waxa taana ka horaysa shidaal intee leeg ayaa inoogu jira oo aynu hawada ku heehaabi karaynaa?

Duuliyaha: Mudane Madaxweyne Haddii duulimaad hawada ah oo kaliya aynu galno shidaalku wuxuu inagu filnaan karaa ilaa labo sacadood, marka maxaad igu amraysaa?

Madaxweyne Erdogan: Wax kasta oo xirfada iyo xaaladu kuu saamaxayso ayaa kuu furan, adigaana inoo hogaamiye ah oo go’aanku kaa go’aa laakiin mar walba fursadaha ka faa’iidayso oo ku dedaal in sida ugu degdega badan u fadhiisan karno.

Duuliyaha ayaa sheegay in markii jawaabtaa geesinada leh uu siiyay Madaxweynuhu ay kalsooni badani gashay, iska markaana uu ku dhiiraday inuu fadhiisiyo diyaarada, waxaanu xusay in isaga oo ku tala jira inuu fadhiisto Madaarka oo Madow, Taawarka Madaarku la soo xidhiidhay kuna war geliyay inay soo fadhiisan karto diyaaradu.

Waxa kaliya oo la noo shiday ayuu yidhi, laydhka Madarka oo sida bidh bidha u dhacaya, taas oo macnaheedu yahay in xalaadu halis tahay, laakiin ay geesinimo u baahan tahay, waxaanan ku soo fadhiisanay ayuu yidhi sidii.

Madaxweynaha ayaa markii diyaaradu fadhiisatay duuliyihiisa ku amray inuu diyaarada Xerada geliyo isna fasax yahay ilaa inta wax iska badalayaan, sida duuliyuhu sheegay Madaxweyne Erdogan waxa uu go’aan ku qaatay in mar haddii uu dhulka u soo degay uu halis kasta u badheedho, xitaa haddii naftiisu halis ku galayso.

Duuliyaha ayaa sheegay inuu diyaarada degdeg uga soo booday isaga iyo kaaliyihiisu, ka dibna ay ku biireen ilaalada Madaxweynaha, Waxaan go’aansaday inaan xitaa rasaas haddii lagu soo furo Madaxweynaha aan isaga dhinto oo mar walba aan ka hor dhinto ayuu yidhi.

Jawigii ay ku jireen ayuu ku tilmaamay inuu ahaa mid naftii hure nimo ah oo ay ka badheedheen, mawqifkaas oo ahaa sida Duuliyuhu ku dooday, Mid uu ku hogaaminayay Madaxweyne Erdogan, wax cabsi ahna aanay ka qabin dhimasho Madaxweynahoodu ka badheedhay ayuu yidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.