WorldRemitAds

Maalqabeen u dhashay dalka Sucuudi Arabiya ayaa badka soo dhigay hal milyan oo dollar oo uu ku doonayo, in lagaga iibsho telefoonka Suxufiyada Hande Firat ee telefishanka CNN- laantiisa Turkiga ka hadashaa, ka baahisay muuqaalkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, markii inqilaabkii fashilmay ee 15-kii July qaybo ciidamada dalka Turkigu ku wadeen.

Telefoonka Hande Firat, oo noociisu yahay iPhone6, ayaa qiimaha maalqabeenka Sucuudigu ku doonaya, ka badan tahay kun jeer qiimihiisa caadiga ah ee shirkada Apple ku iibiso marka uu cusub yahay, haddii la isticmaalana kaba sii hoos maraya.

Maal qabeenkan Sucuudiga ah oo lagu magacaabo Saalim Cali Abu Rakaan, ayaa warbaahinta u sheegay inuu la xidhiidhay, suxufiyada Turkiga ah ee telefoonka iska leh, isla markaana uu kala hadlay lacagta uu doonayo inuu ka siisto telefoonkeeda.

SomlegalAds

Waxa kale oo uu Abu Rakan fariin gaar ah ku baahiyay bogiisa Twitterka, waxaanu sheegay in jacaylka uu hogaamiyaha Turkiga u qabo awgeed uu lacagtan kunka jeer ka badan, qiimaha rasmiga ah ee telefoonka ugu iibsanayo.

Ganacsadahan Reer Sucuudi Arabiya ayaa Telefoonka Xoriyada ku tilmaamay Mobile-ka uu Madaxweyne Erdogan kala hadlay shacabka dalkiisa, kagana codsaday inay u soo baxaan jidadka, oo is hortaagaan inqilaabka, kaas oo sida uu ku doodayo guul la taaban karo oo lagu diirsaday dunida Islaamka ah u soo hooyay sida uu hadalka u dhigay.

Abu Rakan ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo jawaabka kaga soo noqotay Suxufiyada leh telefoonkan ee telefishanka CNN-ta laantiisa afka Turkiga ka shaqaysa, Hande Firat, lagu magacaabo, taas oo sida dhabbta ah daqiiqado gudahood caan kaga noqotay dunida oo dhan. Warbaahinta reer galbeedkuna ku tilmaantay shakhsiyadii todobaadkan ugu saamaynta badnayd dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.