WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 25, 2016 (Saxafi) – Dawladda Somaliland, ayaa si rasmi ah u daahfuray, Mashruucii ugu balaadhnaa ee dib u habeynta iyo Tayeynta shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo Bangiga Aduunku (World Bank) uu Mashruucan ku caaweyey maalgelintiisa iyo lacagta ku baxaysa.

Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Somaliland Md Sharmaarke Muxumed Geelle oo isagu soo Dawladda uga wakiil ah Mashruucan, ayaa shalay si rasmi ah Huteel Abbaasaddoor ee Magaaladda Hargeysa ugu daahfuray.

Mashruuca Dib u Habeynta, Diwaangelinta iyo Tayeynta ee Shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Baanka Aduunku lacag $10 Milyan oo dollar ah ku maalgelinaayo, waxaana furitaanka Mashruuca ka soo qaybgalay Guddoomiye Sharmaarke Maxamed Cumar Geele, Mr Alex oo ah Sarkaal ka socday Bagiga Aduunka ee Mashruucan maagelinaysa  iyo Xubnaha guddida Mashruucan dawladda Somaliland u qaabilsan oo ay ka mid ahaayeeb Wasiiradda Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshadda, Tamarta iyo Macdanta , Wasiirka Caddaaladda , Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Qaranka Somaliland, waxaana madasha mashruuca lagu gardaadiyey masuuliyiinta uu guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu ugu horeyaa ee halka ka hadlay ku tilmaameen in  ahmiyadda iyo faa’iidada mug leh ay qaranka Somaliland ugu jirta isla markaana uu yahay mashruucii ugu balaadhnaa ee qiimeynta qof kasta oo shaqaalaha dawladda ka tirsan kefedda iyo miisaanka lagu saarilahaa waxa uu xaq iyo xaquuq qaranku leeyahay ama isagu ku leeyahay iyo waajibaadkiisa shaqo.

SomlegalAds

Gudoomiye Sharmaarke Geele oo ugu horeyn Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Madasha Furitaanka ee Mashruuca Tayeynta iyo dib u habeynta shaqaalaha dawladda ee Somaliland waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waa maalin weyn oo waxaynu iskugu nimid Mashruuc qarankeena qiimo weyn u leh, kaas oo ah mashruuca Tayeynta Shaqaalaha Dawladda, tayeynta shaqaalaha dawladda markaynu leenahay  maaha tababaradda iyo xirfaddooda in kor loo qaado ee waxa uu wax weyn iyo Kaalin weyn ka noqonayaa in aynu hubino tayadda shaqaalaha ee hada guddaha inoogu jira iyo in aynu qiimeyno nidaamkeena aynu hada shaqaalaha lacagta ku siino si loo ogaado shaqaalaha dawladda tiradda hada inoo joogta ee inoo diwaangashan  miyuu yahay intii rasmiga aheyd ee hada inoo joogta in aynu dhamaanteen madaxa taabano oo tirino oo qof walba kaalinta uu qaranka ugu qoran yahay in uu ugu adeego aynu halkiisa iyo goobtiisa ugu galo oo hubino ma ugu jira mise ugu ma jiro, wuu jira iyo ma jiro marka aynu hubinayno ma eegeyno uun lacagta aynu siino ee , waxaynu eegayna meeshaasi adeeg ayaa inoogu qoran ee Tuulo, Gobol iyo Geed walba shaqaale dawladdeed ayaa inoogu qoran oo jooga ee waxaynu hubino shaqaalahaasi miyey yihiin meeshii ay lacagta ku qaadanayeen miyey yihiin kuwo jooga isla markaana joogida oo kaliya wax ma tartee miyuu adeegii looga baahna yahay qofkaasi in uu qabto mid meeshiisa ku diyaarsan, taas oo keeni doonta mid in shaqaalaha dawladda qof kasta xogtiisa halkiisa lagu eego”

Md Sharmaarke Muxumed Geele oo dhanka kale ka hadlaayey  in Mashruucan uu sido kale ku jiro xeerka daryeelka iyo Mushahaarka ay qaadan doonaan dadka hawlgabka ah ee ee shaqada ka fadhiistay wuxu yidhi “Waxa kale oo Mashrucuan ka mid noqon doonta dadkii qaranka u soo shaqeeyey ee Hawlgabka xeerka (Pension Law) oo in aynu diyaarino oo dadkeeni wanaagsanaa ee qaranka u soo shaqeeyey ee wakhtiyadda adag kala soo dabaashay in aynu hanaan wanaagsan oo  u sagootin u sameyno , aynaan u diyaarino hanaan ama Xeer u kafaalad qaadaya marka ay barito si wanaagsan shaqadda ka baxaan mid og in aanu qarankoodu baylihinayn oo Xeerka hawlgabka, madaxtaabashadda shaqaalaha dawladda iyo dhamaanba nidaamka shaqo qaadashada dawladda hanaankiisa ku haboon in loo qaato kuwaas oo dhan ayuu Mashruucani xooga saarayaa, maaha mashruuc tababar iyo tirin oo kali ah, laakiin waa mashruuc guri walba iyo geed walba lagaga dabategaayo shaqaalihii dawladda ee aynu qoranay jiritaankooda iyo laba tayadda shaqaalaha aynu qoranay inta uu leeg yaha, Mashruucan oo qori isku dhiiib ahaa waxaan ku soo beegmay xiligii ugu adkaa isagoo  shuruuda daahfurkiisu ku xidhnay daah-rognaanta lagu qaadanayo shaqaalaha ugu horeeya, waanan ku faraxsanahay in Caddaaladii aan cagaha cabaar dhulka ku hayey qarankan guushan dhaxalsiisay, waxaanan ku soo beegmay isaga oo bilawgiisa iyo baaba’iisa xuub yari u dhexeeyo oo ah shuruud ay yidhaahdeen Bankiga Aduunyadu waan idinku caawineynaa oo hadii aad kaalmaha soo martaan iyo talaabooyinka waanu idin caawin doona iyaga oo (World Bank)-ku yidhi ayaan anigu ku soo beegmay, hanaankaas oo kow ka  ahaayeen shaqaale ku haboon in aynu u qaadano, ay ku qanacsan yihiin, Imtixaan iyo nidaam hufan ku soo baxa iyo shuruudo kale oo  dheer in aynu ka soo baxno, kuwa marka aynu ka soo baxno ayaa la odhan karaayey Mashruuc wuu guulaystay, Xuubka yare eek u dahaadhnaa maanta waanu ku faraxsanahay in aanu ka dul qaadno”

Dhinaca kale Mr Alex oo ah Sarkaal Mashruucan uga masuul ah Hay’adda Bangiga aduunka (World Bank) ee aduunka lacageed ee dhan $10 Milyan ee dollar ku maalgelinaysa Mashruucan diwaangelinta iyo Tayeynta Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  goobta ka hadlay isagoo  xusay sida uu ugu faraxsanahay in mashruucan oo  mudo badan soo qaatay soo gaadhay heerkan daah furka ah isagoo ku amaanay  tacabka ay guud ahaan Masuuliyiinta Dawlada iyo Gudoomiyaha  Cusub ee Hay’adda  Shaqaaluhuba  galiyeen  in maanta uu marayo heer la odhan karo Hambalyo”

Masuuliyiinta kala ah Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Cumar Sh. Maxamed Faarax, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo dhamaantooda ka mid ah Xubnaha guddida Mashruucan Dib u habeynta iyo Tayeynta dawladda Somaliland u qaabilsan inay Guddoomiye Sharma’arke kala shaqeeyaan hirgelinta iyo fulintiisa, ayaa halka hadalo dheeraad ah ka sheegay waxaana ay dhamaantood ka marag ka ceen faa’iidada togan ee qaranka Somaliland u yeelan doono mashruucani marka uu hirgalo iyaga oo taageero buuxda iyo inay garab iyo gaashaan u yihiin guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha oo ay dedaalkiisa iyo doorka uu qaranka ugu jira majiirteen halkaasi ka sheegeen in aanay wax taageero ah ka hagran doonin.

Ugu dambeyntii Mashruucan Tayeynta shaqaalaha ayaan ahayn oo kaliya tababaro la siiyo shaqaalaha balse sida uu xusay Gudoomiyaha Hay’addu shaqaaluha Mr Geelle  noqon doonna mid intaas ka gudo balaadhan oo guri, goob iyo geed walba shaqaalaha  qarankan ugu qoran lasoo tirin doonno tirikoob sax ahna lagu samayn doono halkaas oo la heli doonno xogta dhabta ah ee shaqaalaha qarankan ka hawl gala, wuxuu sidoo kale noqon doonnaa mashruuc ka nadiifiya dawlada  shaqaalaha lacag ahaan u tirsan qaranka balse tacab ahaan aanan  jirin ee caaglaynta ku joogga kaalin aanay xaq u lahayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.