WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 25, 2016 (Saxafi) – Goboladda iyo degmooyinka Somaliland, ayaa shalay si weyn looga oogay salaad Roob doon ah oo ilaahay lagu baryey inuu roob ina siiyo, isla markaana abaaraha illaahay ka jabiyo.

Magaaladda Hargeysa waxa masaajidada iyo garoonka kubadda cagta ee magaaladda Hargeysa iskugu yimid boqolaal dadweyne oo iskugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ilaahay baryey inuu abaarta inaga dul qaado, isla markaana roob khayr qaba oo aan waxyeelo iyo duufaanno lahayn umadiisa siiyo.

Sidoo kale,  madaxweyne Siilaanyo oo isna safar lagu qiimaynayo xaaladda abaarta ka jirta goboladda bariga ku marayaa lixdii cishe u dambeeyey goboladda Togdheer, Sool iyo Sanaag oo uu habeen hore soo gaadhay.

SomlegalAds

Madaxweynuhu wuxu salaaddii roob doonta kula tukaday shacabka reer Ceerigaabo, kuwaas oo ilaahay waydiisanayey inuu roob ku maansheeyo dhulkiisa si xoolaha iyo dadkaba ugu qabowsadaan naxariista Eebe.

Madaxweynaha iyo weftigiisu wuxuu u hoyday xalay degmadda Ceel Afweyn, ayaa subaxnimadii hore ee shalay u amba baxay dhinaca Ceerigaabo, waxanay sii kormeereen weftiga madaxweynuhu wadada ceerigaabo iyo burco isku xidha oo shaqo badan laga qabtay iskuna xidhan ceerigaabo ilaa Ceel-afweyn, halka Ina-afmadoobe ilaa War-idaadna uu laamigu isku joogo, inta hadhayna ay taalo caro kaawo sida uu sheegay wasiirka hawlaha guudna ay dhawaan ka faraxalan doonaan dhismaha wadada ceerigaabo ilaa burco.

Waxa kormeerkaasi hadalo ka jeediyey masuuliyiinta wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta oo uu ka mid yahay wasiir Cali Mareexan, iyo Gudoomiyha ahna murashaxa xisbi xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiir Caddaani, iyo Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxaanay dhamaantood ku hambalyeeyeen cid kasta oo gacan ka geysatay hawsha baaxada leh iska xilsaartay sidii ay uga midho dhalin lahaayeen inay wadadaasi noqoto mid midho dhal ah oo halkaasi soo gaadha iyagoo dhamaan si gaara ugu hambalyeeyey wasiirka hawlaha guud mudadii uu xilka hayey waxa uu ka qabtay wadada ceerigaabo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo kana mid ahaayeen hadaladiisa “Kulligeen farxad weyn ayey inoo tahay in aynu ka soo qaybgalno dhismaha wadadatan ceerigaabo ee aynu arkayno halka ay marayso waxan leeyahay isgaadhsiintu aad iyo aad ayey muhiim ugu tahay dalka oo dhan wadada ceerigaabana in badan ayeynu ku fekeraynay in badan ayeynu hawlgelinay oo aynu maalgelinay meel wanaagsana way inoo maraysaa waxan jeclahay in aan hambalyo balaadhan halkan uga soo jeediyo in allaale intii ka soo shaqaysay wadadan kambaniyeyaashii ka shaqeeyey iyo dadkii oo dhanba iyo intii gacan ka geysatay intay doonta ha lekatee ilaahay haynala qabto oo dadka iyo dalkaba meel wanaagsan ha mariyo”.

Ka dib weftiga Madaxweynaha waxa si balaadhan oon loo kala hadhin saqiir iyo kabiir laysugu soo baxay magaalada Ceerigaabo kooneheeda iyo laamiyada gudaha magaalada oo dad la ceeryoontay, kuwaas oo ku dhawaaqayey soo dhawow Madaxweyne iyo ereyo la mid ah, soo dhawayntaas oo ah mid aanay dadka reer ceerigaabo u kala hadhin kuna muujiyeen jacaylka iyo muxubada ay u qabaan hogaaminta tolmoon ee madaxweyne Axmed Silaanyo ku hagay dalka mudadii uu haneedka hayey.

Waxaanu Madaxweynuhu si toosa u tegay garoonka kubbadda cagta ee Ceerigaabo oo dadweynuhu isugu soo baxeen una diyaar garoobeen inay madaxweynaha iyo weftigiisa la tukadaan salaada roobdoonta ee madaxweynuhu iclaamiyey in maalinta khamista ee ku beegan shalay laysugu soo baxo guud ahaan dalka Somaliland loona dareero in Alle la baryo lana tukado salaad roobdoon ah, waxaana markii salaada laga baxay shacbiga la hadlay una duceeyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Magaalada, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Culimada gobolka iyo Sheekh Maxamed Aadan oo isagu weftiga Madaxweynaha ka mid ah, Wasiirkii hore ee Maaliyada Samaale, Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxweynaha Qaranka oo waxana ka mid ah weedhihii Madaxweynaha “dadweynaha reer ceerigaabo waxa aan aad uga mahadcelinaynaa sida fiican eed noo soo dhawayseen, waxaana aanu u soconaa sidii laydun ku waramay xaalada abaaraha ee dalka ka dhacday ayaanu u soconay arrinteeda, Ilaahayna waxa aynu ka baryeynaa inuu abaartaa inaga jebiyo oo madar khayr qaba cirka inaga siiyo dhibaatada abaartu meel walba way haysataa oo way heshay oo ay saamaysay, laakiin wixii aynu qaban karno waynu qabanaynaa waxa aanu balan qaadaynaa dawlad ahaan in aanu dedaal weyn ka geysano wixii aanu qaban karnana aanu qabano Ilaahayna waynu baryeynaa ilaahaybana inaga korqaadi kara, Ilaahay uunbaa ina kaafiyo kara, Ilaahayna waxaynu ugu mahadnaqaynaa nabadgelyada buuxda ee uu ina siiyey, mar kalena wad mahadsan tihiin sidaad noo qaabisheen eed noo soo dhawayseen, waana mid laydin ku yiqiin ood caado u leedihiin”.

Si kastaba ha ahaatee, goboladda Bariga ayaa laga soo sheegayaa inay hayso abaar aad u daran oo halis ku haysa dad iyo duunyaba, waxaana reer guuraa faro badan usoo hayaameen goboladda bariga, kuwaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey deegaanadda ay usoo qaxeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.