WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 31, 2016 (Saxafi) – Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa maalintii shalay yeeshay shirweynahoodii saddexaad, kaas oo ay ku soo doorteen hogaan cusub oo hogaamin doona afarta sanno ee soo socda.  

Doorashadda xidhiidhka ciyaaraha fudud oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ay doorteen afar xubnood oo kala ah Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad iyo Xoghaye.

Waxaa Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud loo doortay inuu hogaamiyo Mr. Mustafe Cali Nuur oo ahaa guddoomiyihii hore ee xidhiidhka, halka Guddoomiye ku-xigeena koowaad loo doortay Mr. Cali Ismaaciil Cabdalle, Guddoomiye ku-xigeenka labaadna waxaa loo doortay Mr. Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) halka xoghaya xidhiidhka isna loo doortay Mr. Cismaan Cali Xasan oo isna hore u ahaa Guddoomiye xigeenkii koowaad ee xidhiidhka.

SomlegalAds

Munaasibadda lagu dooranayey hogaanka xidhiidhka kubadda cagta ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Ciyaaraha Md. Maxamed Nuux Jibriil, Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Md. Cumar Cabdi Cali (Sayid Cumar), Masuuliyiin ka kala socday SONSAF, SONYO, Goob-joogayaal ka socday Wasaaradda Ciyaaraha dalka Jabuuti, Marti-sharaf iyo xubnaha codka bixinayey ee Isu-duwayaasha gobolada iyo qaar ka mid ah kooxaha kubadda cagta heerarka koowaad ee caasimadda.

Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Nuux Jibriil, oo ahaa guddoomihii guddida qaban-qaabada doorashadda, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey doorashadda iyo sidii loo soo agaasimay waxaana  hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaa maanta noo sharaf ah ka wasaarad ahaa iyo ka guddi ahaanba inaynu halkan iskugu nimaadno shirweynihii saddexaad ee xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, kaas oo lagu dooran doono masuuliyiinta hogaamin doonta xidhiidhka afarta sanno ee soo socda. Markaa waxaan rajeynayaa inay si cadaalada oo xor ah ay inoogu dhacdo, waxaana u soo jeedinaya ergooyinka iyagu maanta kala dooranaya siddeeda xubnood ee murrashixiinta ah inay iyagu masuul ka yihiin cidday u arkaan ama u gartaan inay codkooda siiyaan, waxaanan ballan-qaadaya ka wasaarad ahaan inaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno isla markaana aanu la garab istaagi doono” ayuu yidhi.

Waxaa iyaguna halkaasi ka soo jeeday hadalo ku saabsan wax-qabadkii ay la yimaadeen muddadii ay xidhiidhka ciyaaraha fudud hogaaminayeen Guddoomiyaha iyo Xoghayihii hore ee xidhiidka Mr. Mustafe Cali Nuur iyo Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi, oo sidoo kale ahaa murrashixiinta u tartamayey Guddoomiyaha xidhiidhka. Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Masuuliyiitii ka kala socday SONSAF iyo SONYO, waxaana ay Wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka ciyaaraha fudud ku amaaneyn qabsoomida doorashadda oo si qurux baddan oo daacad ah u qabsoontay, waxaana ay tallooyin iyo dardaaran u jeediyeen guud ahaanba murrashixiintii iyo xubnihii iyagu doorashadda ka qeyb-galayey.

Intaasi ka dib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, kaas oo sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim u ah xidhiidh ciyaaaha fudud ee Somaliland, isla markaana ay tahay in Ergooyinku ay doorashadda uga qeyb qaataan si habsami ah, ayna si xor ah ugu codeeyaan cidda ay u gartaan in masiirkooda meesha ay rabaan ee horumar ah ku haggi kara.

Intaasi ka dib waxa si toos ah loo gudo galay doorashaddii hogaanka cusub ee xidhiidhka ciyaaraha fudud oo Ergooyinka codka bixinayey ahaayeen 19 xubnood. Si kastaba ha ahaatee waxa lagu dhawaaqay in la Guda-galayo Doorashadda xubnaha u tartamayey afarta boos ee ugu sareeya xidhiidhka oo ahaa laba garab oo min afar xubnood isku wattay, waxaana boos kasta loogu codeynayay si gooniya.

Markii ay Ergooyinku ay si hufan oo cadaalad ah u dhiibteen codkooda, iyada oo uu qof wal oo ka mid ah ergada loo dhiibay warqad ay ku yaalaan magacyadda Murrashaxiintu, waxaana uu qof kastaa ku soo calaamadinayey meel loogu talo-galay oo aanay cidina arkayn murrashaxa uu codka siiyay, isla marka waxa uu warqadaas ku ridayey sanduuq dadku wada arkayeen. Waxaana doorashadda hogaanka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland gadh-wadeen ka ahaa xubno madax-banaan, waxaana sidoo kale goob-joogayaal ka ahaa warbaahinta kala duwan iyo goob-joogayaasha ka socday waddanka Jabuuti.

Gaba-gabadii ayaa guddidaasi dhex-dhexaadinaysay doorashadda lagu soo doortay xidhiidhka ciyaaraha fudud ay ku dhawaaqeen codadkii la kala helay iyo sidii loogu kala adkaaday doorashaddii lagu dooranayey hogaanka xidhiidhka, taas oo Guddoomiyaha loo doortay Mr. Mustafe Cali Nuur oo helay 10 cod, halka ninka ee kula tartamayey ee ka guuleystay uu ahaa Mr. Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi (Diyaara) uu helay 9 cod. Guddoomiye Ku-xigeenka koowaadna waxaa loo doortay Mr. Cali Ismaaciil Cabdalle oo helay 11 cod, isagoo ka guuleystay Mrs. Safiya Cabdilaahi Ibraahim oo ahayd gabadha keliya ee tartankan ku jirtay, iyadoo heshay 8 cod.

Waxaa Guddoomiye Ku-xigeenka labaad loo doortay Mr. Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo helay 12 cod, kana guuleystay Mr. Axmed Koosaar Xuseen (Juujuule), waxaa isagana loo doortay Xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Mr. Cismaan Cali Xasan oo helay 14 cod, waxaana la tartamayey oo uu ka guuleystay Mr. Maxamed Xasan Nageeye (Banay) oo 5 cod helay.

Ugu dambeyntii, waxaa halkaasi ka hadlay murrashixiintii tartamayey waxaana ay si isku mid ah u sheegeen inay guud ahaanba ku qanacsan yihiin habkii iyo qaabkii ay doorashaddu u dhacday, iyaga oo sidoo kalena isku hambalyeeyay ballan-qaadayna inay si wada-jir ah oo niyadsamiya isku garab istaagi doona.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.