WorldRemitAds
Djibouti, Djibouti, December 3, 2015 (Saxafi) – Urur Goboleedka IGAD qaybtiisa amaanka ayaa soo diyaariyay barnaamij lagu soo bandhigay shalay Kulan hawleed lagu qiimaynayay habka ugu haboon ee loo sugi karro amaanka xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti.

Kulankan oo lagu qabtay dalka Djibouti ayaa waxaa sidoo kale lagaga baaraan degayay xoojinta wada shaqeynta laamaha socdaalka ee Somaliland iyo Djibouti.
IGADShirkan ay qabanqaabisay waaxda ammaanka urur gobleedka IGAD ee loo yaqaan Security Sector Program ama SSP ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda dalka Djibouti, laamaha socdaalka, labada wadan, ciidamada ammaanka, militeriga, sirdoonka, masuuliyinta waaxda kastamada.
Madaxda Ururka IGAD ayaa ku dooday in hawlaha maareynta xuduuduhu ay muhiim u tahay qaabka looga hortagayo argagixisadda, kooxaha ka soo horjeeda dawladdaha iyo kuwa kale ee ku hawlan dambiyadda abaabulan ee waddamada isaga goosha. Waxana ay intaas raaciyeen in barnaamijka lafdhabarta u ah urur goboleedka IGAD qaybtiisa amaanka (IGAD SSP) ay ka mid tahay sidii loo suggi lahaa nabadgelyadda waddamada ku bahoobay, waxa kale oo ay xuseen in la hawl-geliyay khubaro cilmi baadhayaal ah, kuwaasoo qaaday talaabooyin sahan ah oo ay ku qiimeynayaan habka loo dhaqan geliyo siyaasadda, dabaqaada sharciyadda, hab-raacyadda ay hawshoodda ku dabaqaan hawl-wadeenadda xuduuduhu shaqadooda, iyo dhaqamada ku waajahan sidii loo joojin lahaa kooxaha argagixisada ah iyo kuwa kale ee sameeya dambiyada waddamada isaga goosha ee abaabulan.
IGADWaxa cilmi-baadhis tan oo kale ah la sameeyay sannadkii hore 2014 oo lagu qiimanayey maraynta xuduudaha ee dhinaca amniga Somaliland iyo Djibouti, waxaana la qaaday cilmi baadhistan danbe intii u dhaxaysay bilihii September iyo November.
Waxaana kulankan lagaga dooday qodobadan hoos ku qoran, iyadoo ujeedadu tahay in natiijadda kullan hawleedkan noqoto mid dhiirigelisa sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen dowladaha iyo jilayaasha aan dowliga ahayn ee ku sugan Djibouti natijooyinka ay soo bandhigaan cilmi baadhayaashu iyo in daraasad muhiim ah lagu sameeyo warbixinta, waxana qodobada lagu soo qaaday ka mid ahaa sidan.
  1. Xoojinta iyo wacyigelinta gacan ku haynta xuduuda ee iskaashiga iyo isuduwidda hawlaha abaabulan ee hawlgalada isu gudubka xuduudaha ah.
  2. Xuquuqda Aadanaha iyo qaab-dhismeedka ururinta sirdoonka; falanqaynta iyo in la wadaago xogaha aasaasiga ah iyo horumarinta tobabarrada dhinaca maaraynta xadka, shaqaalaha ku habboon in la geeyo iyo ka qaybqaadashada dadka deeggaanka in la xoojiyo.
  3. Ilaalinta xuduuda, horumarinta qaab-dhismeedka dhinaca isgaadhsiinta, baadhitaanka, la-socoshada,
  4. Is waafajinta shuruucda qaranka, istaraatajiyadaha, siyaasadaha iyo nidaamka.
  5. Dhiirrigelinta heshiis laba geesood ah oo ku saabsan kala xadaynta.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.