Boorama, Somaliland, December 15, 2015 (Saxafi) – Kaalin ka mid ah kaalmaha shidaalka laga iibsado ee magaalada Boorama ayaa shalay shuf-beeshay ka dib markii uu dab qabsaday.

Gaadiidka dabdemiska Boorama oo markii u horreysay ka qayb-qaatay deminta dabkan ayaa goor dambe oo dabkaasi sii xoogeystay dib u dhiciisa lagu xidhiidhiyey dadweyne iyo gaadiid gurmad iyo daawasho u yimi kaalintani inay xannibeen in gaadiidkaasi degdeg usoo gaadho halkaasi, iyadoo dadka qaarkoodna sheegeen in darwaliinta gaadiidkan oo aan mushaar weli lagu siinin gaadiidkaasi ay ka cagajiideen inay degdeg u yimaaddaan halkaasi.
Maayarka Boorama oo wax laga weydiiyey in dibudhaca gaadiidkaasi ay sabab u tahay mushaar la’aanta shaqaalaha dabdemiska ayaa ku jawaabay in sannadka cusub loo bilaabi doono miisaaniyaddana loogu daray.