Boorama, Somaliland, December 15, 2015, (Saxafi) – Qaybo ka mid ah dadweynaha iyo siyaasiyiinta Boorama ayaa hadal haya magacaabista wakiil cusub oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku u soo magacaabeen Gobolka Awdal, kuwaas oo sheegay inay tuhun ka qabaan sifaha loo soo magacaabay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, xubintan la sheegay in komishanka doorashooyinku u soo magacaabeen gobolka Awdal, magaciisana la yidhaahdo Maxamed Muuse Jibriil ayaa sida lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha reer Awdal ee Internetka, magacaabistiisani lagu tilmaamay mid la hoos mariyey komishanka sare ee doorashooyinka qaranka, isla markaana ka hor imanaysa miisaanka ama nidaamkii dhinaca beelaha gobolku hore ugu qaybsan jireen xilalka heer gobol ee komishankaasi sannadihii aan soo dhaafnay.
