Hargeysa, Somaliland, December 15, 2015 (Saxafi) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa dhaliillay madaxtooyadda iyo buug ka hadlaya waxqabadka Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo dhowaan lagu soo bandhigay Hargeysa.
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADANI Boobe Yuusuf Ducaale ayaa wasiirka Madaxtooyada ku dhaliilay in halgankii dib u xoreyntana waxba ku darsan tii kulmiye mucaaradkana ahaana aanu waxba ku darsan, isla markaana Madaarkii lacagta badan ku baxdayna welina aanu gaadhin halkii la rabay.

Daartii ku soo noqo Wasaaradda Duulista Xarunta u ahaan jirtay ee kibirka iyo is-yeelyeelka loo iibiyay. Ninkii iibsaday wuxu ka macaashay magaalo dhan oo ganacsi oo intaas oo albaab ka furan tahay. Sidaas ayay weliba ugu hadhay in uu intaas oo fooq sii saaraa. Xukuumaddu waxay ka macaashtay daar quraarad ah oo aan weliba muraayad ahayn oo madaarka ku taal. Muraayadda iyo quraaradduna waa ay kala qiimo badan yihiin. Saddexankaasiba waa taallooyin u taagan hal-abuur-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta xukuumadda tookha iyo faanka meel walba la taagan.
Wax la yidhi beryihii nidaamkii millateriga ahaa dalka ka talinayay, ayaa nin la yidhaahdo Dhegoolka loo soo beddelay Kastamka Lowyacaddo. Kii oo aad yaabto diifta iyo daranyada korkiisa ka muuqata ayuu yimid Lowyacaddo. Dhowr bilood markii uu joogay ayuu dhogor-gooyay. Boorame ayuu dalxiis ku yimid. Waxa lagu murmay in uu Dhegoolkii yahay iyo in kale. Waa ninkii oo caddaaday oo caloolaystay oo quraarad cadar ah ku faro-xasha oo biyo iyo sabuun ay beri hore kala dhaqaaqeen. Waxa lagu murmay waa Dhegoolkii iyo ma aha. Mufakarkeennii Cawaale Caynaan Diiddan ayaa soo dhex joogsaday dadkii oo yidhi: “….Waa isagii oo Qarjam-qarjamta ayuu ku badhaadhay.”
Kaadirkii SNM ee soo halgamay iyo kaadirkii Kulmiye ee mucaaradka ahaa intuba waa ku teel-teel xukuumaddan aan la mahadin. Daliilkeedu wuxu yahay: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UDUB rasaysan tahay.Dacar miyaanu odhan: “Hadday Ri’i dub leedahay, Dabaday ku qarin layd, Dadna barasho uma hadhin,”