WorldRemitAds
Pretoria, Koonfurta Afrika, December 15, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ku wareeray hoos u dhaca ku yimid lacagta dalkiisa ayaa Afar cisho gudihii ku bedelay wasiirkiisa dhaqaalaha oo uu maalmo ka hor magacaabay.

Madaxweyne Jacob Zuma oo wadankiisa ku yimid hoos u dhac Shilinkiisa ayaa magacaabay wasiir cusub oo magaciisa la yidhaa Nhlanhla Nene isagoo marka ku bedelay wasiirkii hore ee dhaqaalaha Desmond Van Rooyen, si uu arrimaha dhaqaalaha wax uga qabto taas oo dadweynuhu u arkayey talaabo wax lagaga qaban karo arrimahaha dhaqaalaha, haseyeeshee waxay noqotay inay ka sii darto oo shilinka dalkaasi hoos  dhac ku yimid, waxaanu maalmo gudahood mar kale xilkii ka qaaday wasiirkii uu magacaabay afar cisho ka hor.
Koonfur AfrikaMadaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa go’aansaday inuu bedelo mar kale wasiirkiisii dhaqaalaha xukuumaddiisa, iyadoo dadka odaroska ku sameeya siyaasadda iyo dhaqalaha Koonfur Afrika ay u ku tilmaameen isbedel wanaagsan.
Jacob Zuma ayaa wuxuu u magacabay wasiirka dhaqalaha dalkiisa, Pravin Gordhan; iyadoo xilkan ay muddo sannado ah soo hayay Nhlanhla Nene, iyadoo xilligaas uu aad uga dhex muuqday qalalaasihii dhaqaale ee adduunka ku dhacay sannadkii 2009-kii, isagoo qayb-weyn ku lahaa in dalka Koonfur afrika uu ka badbaado dhaqale xumida caalamka soo wajahday.
Sidoo kale, Madaxweyne Zuma ayaa magacabiista Wasiirka cusub ee Dhaqaalaha, kaddib saxaafadda la hadlay isagoo xusay in qaylo-dhaanta shacabka kaddib uu go’aansaday inuu taallaabadan qaado si uu dadka ugu xaqiijiyo inuu dhageystay hadalladooda.
Ugu dambeyn, lacagta dalka Koofur Afrika ee loo yiqaana Rand ayaa isbuucii hore hoos u dhacday; waxaana saamiyada suuqyada, gaar ahaan magaalada Johannesburg.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.