WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 5, 2016 (Saxafi) – Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Jaamacada Cardiff ee dalka Ingiriiska oo dhowaan bilaabi doonna cilmi baadhis laga samayn doonno magaaladda Hargeysa nolosheedda iyo dhaqaalaheedda.

Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa, Md:Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne, ayaa sheegay in weftigan ka socda Jaamacadda Cardiff ay isku soo arkeen wadanka Ingiriiska, isla markaana waktigaasi u balanqaadeen inay wada shaqayn la yeelan doonto dawlada hoose ee Hargeysa.

“Waxa nasiib wanaag ah in aqoonyahanadda ka socda Jaamacadda Cardiff ay cilmi baadhis ka samayn doonaan magaaladda Hargeysa dadkeedda iyo nolol maalmoodkooda, dhaqaalahoodda, waxaanay cilmi baadhistan ka samaynayaan lix magaalo oo aduunka ah oo la barbar dhigayo magaalada Hargeysa, cilmi baadhistaasi natiijadda soo bixi doonta oo aanu ka rajaynayno wax aynu ku faraxsano waxay noqon doonta mid caalami ah oo lagu tallo qaato, inta badan cilmi baadhista ay jaamacadaha sameeyaan waxay noqota mid caalami ah oo lagu dhaqmi karo, inaga Somaliland intii ay ku jirtay Soomaaliya wax loo qabtay ma jirto, imika waxaynu samaynay horumar badan oo iyadoo aanay cidi waxba ina tarin aynu gaadhay horumar aaad u balaadhan”ayuu yidhi Maayar ku xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cago weyne.

SomlegalAds

Iid Cali-Salaan oo la socday weftigan, isla markaana ka mid ahaa jaaliyadda Somaliland ee Cardiff ayaa sheegay in Hargeysa la barbar dhigo lix magaalo oo aduunka ah oo cilmi baadhis lagaga samaynayo dhaqan dhaqaale ee dadkoodu ku nool yihiin iyo sidda magaaladaasi dadkeeddu u dhaqmaan.

“Waxa inoo guul ah in ay Hargeysi ka mid noqoto lix magaalo oo waaweyn oo aduunka ah oo cilmibaadhis la isku barbar dhigayo dadkeedda iyo nolosheedda, aqoonyahanadda ka socda Jaamacadda Cardiff waxay durtaba la yaabeen dadkeenan iska shaqaynaya ee alaabtooddu suuqa iska yaallaan ee ayna ka baqayn in laga xado in laga boobo  iyo sida ay ugu faraxsan yihiin noloshaasi ay ku jiraan, waxa kale oo ay xuseen intii ay joogeena arkeen wadan aan la aqoonsanayn oo cidi caawinayn oo horumar balaadhan gaadhay, waa guulaha Somaliland leedahay ee cilmi baadhistani soo bandhigi karto” ayuu yidhi Iid Cali-Salaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis, Dr. Siciid Axmed Xasan, ayaa sheegay in Ardaydiisa iyo aqoonyahanaddani wada samayn doonaan cilmi baadhistan dhaqan dhaqaale ee dadka ku nool magaaladeena.

Labadan professor ee ka socda Jaamacadda Cardiff ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hawsha ay ka bilaabayaan Somalialnd, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, waxaanay la dhaceen sidii loo soo dhoweeyey iyo qaabkii wanaagsanaa ee uu u qaabilay Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa.

Labaddan professor waxay sheegeen in cilmi baadhitaan ay wadaan ay ku qiimaynayaan nolosha dadka reer Hargeysa, iyo sida ay u nool yihiin, waxaanu baadhitaan ku samayn doonaan dadka qaybaheedda kala duwan iyo siday u shaqeeyaan ama meelaha ay ka shaqeeyaan, waxaanay tilmaameen in Hargeysa nasiib u heshay in la barbar dhigo magaalooyin waaweyn oo aduunka ah oo isku qiimo ah loo qiimeeyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.