WorldRemitAds

“Wadda hadal ayaanu la galaynaa Somaliland, lama dhuumanayno…” Cali Khaliif Galaydh 

Caynaba, Somaliland, August 5, 2016(Saxafi) – Wefti ka socda Kooxda Khaatumo oo dagaal kulla jirtay Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Caynaba, iyaddoo halkaas u yimid waddahadlo lagu so oaf-jarayo dhibaataddii aagaas hore uga dhici jirtay.

Wararka aanu helay waxaa ay sheegayaan in madaxdii Khaatumo oo fadhigeedu ahaa agagaarka Buuhoodle ay bilaabeen inay gar-waaqsadaan inay wax la qabsadaan Shacabka Reer Somaliland Xili dhowaan ay ahayd markii Xukuumadda Somaliland iyo beelo Balaadhan oo deegaankaasi ah uu shir ugu soo dhamaaday Deegaanka Awrboogays isla markaana Qodobo kala duwan lagu heshiiyay.

SomlegalAds

Axmed Xaaji Cali oo maamulka Khaatumo ugu magacaaban Wasiirka Warfaafinta ayaa xaqiijiyay jiritaanka waftga Khaatumo ee lagu soo dhaweeyay magaalada Caynaba si ay halkaasi Wadahadal fool-ka fool ah ugula Galaan Xukuumada Somaliland. Waxaana uu masuulkani ku sheegay Xubnaha ay Caynaba u soo direen kuwan.

 1 Wasiirka Aminiga Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf

2 Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamuud Ismaaciil Shabac

3 Ex Wasiirkii Hore Yaasiin Axmed Sulub

4 Ex Xildhibaan SSC Hore Xariir Aw-Cali

5 Qurba Joog Bahir Mahdi Xubnin

6 Caaqil Axmed Xasan X Cumar( Xubni)

Waftigani ayaana xalay sida wararku sheegeen u hoyday magaaladda Caynaba waxaana la wariyay in qorshuhu yahay inay halkaas kullamo hordhac ah kula qaataan Wefti ka socda Somaliland.

“Wadda hadal ayaanu la galaynaa Somaliland, lama dhuumanayno guddi ay ku jiraan raga ugu magaca dheer Khaatumo ayaanu u saaraynaa guddigaasi Sagaal xubnood ayay noqonaysaa, todobada waa la magacaabay labana waa dhiman yihiin.” Sidaasna waxaa yidhi Cali Khaliif Galaydh oo arrintan ka hadlay.

Deegaamada Beelaha Dhulbahante oo ka aradnaa Horumarinta Dhinacyo kala duwan ayaa u qaybsama Nugaal iyo Hawd iyadoo la ogyahay in beelaha qaarkood ay nabad iyo wax wada qabsi buuxa la lahaayeen dawladooda Somaliland. Halka inta hadhayna hadda u muuqdaan kuwo mawaaqiftoodii hore bedalay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.