WorldRemitAds

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 50aad

Markan eegga odayoobay oo waan itaal gabaye

Waa arammi feedhaha waxan aahda la hayaaye

SomlegalAds

Itixaada waataad sidii adhi ahaydeene

Indhahaad isku aragtaan cadawga waar iskaga eegga

Is-aamina dannigu waa waxaad ku ibtilawdeene

Is-aqbala qabiilnimada waad ku ambanaysaane

Is–adeeca uur-xummidu waa aayatiin li’ye

Abwaan Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qalooc)

Marxuun Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) ayaa maalin xafiiska iigu yimi aniga oo ah Wasiirka Maaliyadda, kadibna waxa uu iiga sheekeeyay sidii uu xayiraadda uga qaaday Dekadda Berbera iyo arrimo kale oo waaweyn.

Markii dagaalladu ka dhaceen dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliyeed 1991kii ee dawladdii burburtay, ayaa xayiraad la saaray dekadihii dalkaas. Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) waxa uu ii sheegay inuu isku dayey inuu markab raashin u waday uu u soo raro magaalada Berbera. Haseyeeshee, caymiskii ayaa diiday inuu caymiyo markabka tegaya Berbera, iyada oo aan nabad ahayn, oo dawlad la ictiraafsan yahay aanay gacanta ku hayn.

Waxa Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) igu yidhi; ‘Waxan dammaanad u dhigay caymiskii markabka oo aan shubay, haddii wax soo gaadhaan markabka, dabadeedna sidii ayey ku aqbashay sharkaddii lahayd markabku.’

Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere), isaga oo sheekadii sii wata waxa uu yidhi; ‘Waxaan markaas imi Berbera, kadibna waxaan diyaariyey shaqaalihii Dekedda waxa aan u sameeyey meel ay cunto ka cunnaan, waxan u sakimay jaadkii oo kula dardaarmay inay degdeg uga rogaan alaabta markabka imanaya.

Marka xin i galo ayaa iga xoog badan; muddo kooban oo aan weli hore u dhici ayaa shaqaalihii kaga dejiyeen markabkii badeecadii, dabadeed Kabtankii markabka oo ka yaaban dhaqsaha looga dejiyey rarkii ayaa warqad marag ah oo ammaan ah ka qoray oo saxeexay Dekadda Berbera inay nabad tahay oo si yaab leh oo fiican oo dhakhso ah looga rogay alaabtii.’ Sidaas ayaa xayiraadii looga qaaday Dekaddii Berbera.

Waqtigaas oo ahayd 1993kii ilaa maanta ayey Dekadda Berbera u shaqaynaysay oo maraakiibta dunidu ugu soo xidhanaysay. Seddex iyo labaatanka sannadood, waxan kala soo degaynaa raashinka aan cunno, alaabta dhismaha ee daarihii dumay iyo kuwa cusubba aan ku dhisanno.

Waxa kale oo aan kala soo degnaa baaburtan gacanta labaad ah ee aan isugu faanno ee qiiqa hawaddii ku fadaraysay iyo sigaarka sanbabada ina madoobeeyey. Waxa qudha aan Qarniga 21tanaad ka dhoofinaa Dekeddaa neef xoolo ah oo marna Carabta aynu Walaalaha nahay ama aan sheeganaa ay marna xayiraad saarto, marnaa innagu soo celiso, marna inaka iibsato. Dekaddu waxa ay kafeeysay baahidaas, mushaharka shaqaalaha, xammaaliinta ka hawlgala iyo shaxaadka (Xukuumad iyo Shicib) ciddii u tagta.

Nin ganacsade ah ayaa ii sheegay inuu geeyey Berbera Khawaaje Maraykan ah, markay ku dhow yihiin magaaladii ayuu Khawaajihii ku yidhi; ‘Waar meeshu miyaanay Dekad ahay? Wax baabuur ah oo xammuul ihi inama dhaafin eh?’ Sida caadiga ah waddooyinka magaalada Dekedda leh gala waxa jirta saxmad baaburta xammuulka ah ee Dekadda alaabta ka soo qaada ama geeysa.

Waxa muuqatay in shaqo badani ka socon Dekadda Berbera oo aan qaadkeeda (capacity) aan la wada isticmaalin hadda, sidaas oo khubarada Baanka Adduunku (World Bank) warbixin ay ka qoreen ku sheegeen.

Markabkii ugu horeeyey ee raaashin Mucaawino u siday Ethiopia  waxay ahayd sannadkii 1999kii, aniga oo Wasiirka Qorshaynta ah iyo nin la odhan jiray Emmanuel Laangdhe oo dalka Belgium u dhashay ayaa ku qanciyey ninkii raashinka ka masuul ahaa oo isna Belgium ah oo Ethiopia u fadhiyey Midowga Reer Yurub (EU) oo la odhan jiray Pascal Jones inuu raashinka soo mariyo Berbera. Markabkaas ayaa bilaabay xooggaaga hadda dawladda Ethiopia ay soo marsato Dekadda Berbera

Waar haddii buuqa iyo muranka arrinta shirkadda Reer Dubai (Dubai Ports) ee Dekadda Berbera ay kula shuraakoobayso xukuumadda aan laga heshiin oo uu sii kordho, armaa laga faa’iidaystaa oo mar kale Dekedda cadawgeedu (Sida Dawladda Xamar ee la ictiraafsan yahay) uu xayiraad saaraa!

Hadda Golihii Xukuumaddu waa ansixiyey heshiiskii shuraakawga Dekadda Berbera ee ka dhexeeyey Shirkadda Reer Dubai (Dubai Ports) iyo xukuumadda Somaliland. Dhowaanna waxa loo gudbin doonaa Golaha Wakiiladda sida Dastuurku dhigayo. Waxaan Warbaahinta u marinayaa ciddii ay khusayso dhawr afeefood.

  1. Saddex iyo labaatan sanno oo Xukuumaddu maamulaysay Dekadda Berbera, waa ay ku guulaysatay inay nabad ku hayso, waanna ku ammaanan tahay, waxase u suurtageliwayday inay horumariso oo casriyayso, xataa inay qaadkeeda oo dhan ku shaqayso (full capacity) iyo in macaamil kale ay ku soo xidho.
  2. Dalkani; Macdan, Beero iyo Wershado ma leh. Waxa uu keli haystaa xeeb dheer. Xeebtii dheerayd, Dekaddii qudha ahayd ee ka dhisnayd waa horumarin kari waynay, halka Djibouti oo aan dersin nahay ay dekaddii saddexaad dhisanayso. Hadda awal Dekad qudha ayey lahayd, heshiiska ay la gashay Dubai Ports ayaa soo jiiday, waxaas oo maalgashi ah. In loo baahan cid maal iyo aqoon u leh oo inala horumarisa Dekadda, waa la wada qabaa.
  3. Xagga heshiiska, Waaxda Fulinta ama Xukuumadda oo adeegsanaysa khubarro ayaa u fara dhuudhuuban oo siiyey Dastuurku. Golaha Wakiillada ayaa hubinta heshiiska iyo ansixinta iska leh. Haddii ay soo heleen qoladan (Dubai Ports), waxa looga fadhiyaa inay jidkiisa mariyaan heshiiskan.
  4. Dadweynuhu way ka hadli karaa oo waxay fikrad ka dhiiban karaa wixii saamaynaya noloshoodu, si Demoqraadi ah oo nabad ah.
  5. Shaqalaha Dekadda ka hawlgala waa ka hadli karaan xuquudooda iyo danahooda. Hadda ma laha Hab-daryeel oo xuquuqda shaqaalaha dhiggooda ee caalamka la mid ah. Waa inay heshiiska ka muuqata in Xuquuqda Shaqaalaha Dekadda Berbera lala mid dhigo Xuquuqda Shaqaalaha Dekadaha ay maamusho Dubai Ports.
  6. Dadka deegaanka ee ay saamayso horumarinta Dekadda Berbera, waa in cawad-celin loogu talagalaa oo xukuumaddu dammaanad-qaadaa. Intaan Dekedda la dhisin waxa maraakiibta xoolaha ka soo rogi jiray oo saari jiray doonyo Reer Maakhir lahaa. Markii markabkii Dekadda ku soo xidhay ayaa laga maarmay doonyihii. Waxa la siiyey cawad-celin dadkii doonyaha lahaa, Awoowgay Maxamed Gees ayaa ka mid ahaa. Xoogsatadii Beesha Maakhir ee xaafadda Daaroole deganayd, markaas ayey ka guureen Berbera oo ka hayaameen.
  7. Dalalka ictiraafka raadinaya sida Somaliland oo kale shuruudaha lagu xidho waxa ka mid;

Inay heshiis la geli karto dalalka caalamka iyo shirkadaha ganacsiga ee dunida oo ay fulin karto heshiiyada ay gasho. Ayaan-darro heshiiskii Xukuumaddu la gashay shirkaddii shidaalka sahaminaysay ee Genel waa kii dhicisoobay .Sida ka dhacda dalalka Demoqraadiga ah waxay ahayd in Guddidii Baarlamaanka ka mid ah oo xaqiiqo raadin ah loo saaro, oo la hubiyo sababta keentay fashilka, si looga digtoonaado in fashilkaas oo kale uu mar dembe u dhicin. Hadda waata muran mar labaad ku bilaabmay heshiiskii dhinaca Dekadda Berbera iyo Dubai Ports.

  1. Muranka heshiisyada xukuumadaha soo maray Somaliland ay la galaan muwaadiniin Reer Somaliland ah ama shisheeyahaba waa soo noqnoqdaa oo waa badan yahay. Waxa dadka ka faalooda siyaasaddu u nisbeeyaan arrimo hungri iyo sanqadh-dhegaysi, hinase salka ku haysa, oo ka dhexeeya wax–isbidayaasha (Elites) bulshada oo aanay dadweynaha dani ugu jirin.

Cadyahaw ama ku cunay ama ku ciideeyey iyo ku jiqsii,’ ayaa kooxda markaas Xukuumadda ku jirin ay ku dhaqantaa, kooxda markaas hadhka ku jirtaana fogayn iyo iska wax-celi iyo farsamo-xummo ay ilaa hadda xeerkii u jedayn lahaa wareejinta Hantida ma-guurtada ah ee qaranka uu leeyahay ee Dastuurku faray ayaa ilaa maanta la kari waayey in la dejiyo.

Maahmaahaha bulshada saboolnimadu ragaadisay ayey ka mid yihiin kuwani oo aad maqlayso had iyo jeer: ‘Caano jiilaal canba can dareen, Nin hu’laab xun inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa iyo Culimo jiilaal joogta injir lagama qabto.

Qoraalkan ayaan ku soo afmeerayaa taxanihii dharaaro xusuustood oo ah kii kontonaad. Intaanan idin nabadgelyeyn, waxan ku soo qaadayaa arrinta muranku ka dhashay ee saami-qaybsiga kuraasida Golaha Wakiillada. Waxaan Warbaahinta ka akhriyey saddexdii Guddoomiye ee Xisbiyada; Guddoomiyaha UCID Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi markay muddo kaga dooddayeen gogol uu fidiyey Akaademiga Nabada iyo Horamarku arrintii ku celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), si uu go’aan uga gaadho oo waa ay kari waayeen inay xal-ka-gaadhaan arrintaas, iyaga oo weyso dhawranaya.

Haseyeeshee, saddexda Guddoomiyeba waxay caddeeyeen inay markan yihiin; ‘Amar dawla-mudiic, ninkii diidaa dabbaal.’ Iyaga oo welibana leh; ‘Madaxweyne, mar haddii aanad ahayn murrashax, go’aan-ka-gaadh arrinkan oo yaan dib-u-dhicin doorashadu ee ay Maxkamadda Dastuurka ee dalku ayiday Xeerkii iyo go’aankii Golaha Guurtidu ku cayimeen xilliga doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxweynuhu ay dhacayso ee aad Madaxweyne xeer ku soo saartay.’

Haddaba, way adag tahay in Gobal kuraas laga jaro oo mid kale la siiyo, balse waxaan kuu soo jeedinayaa in shaxdii hore ee kuraasta aad sideeda u dayso, haseyeeshee gudaheeda aad wax-ka-beddesho. Hargeysa iyo Burco labada magaalo ee waaweyn midba hal kursi u jar Dadka La-hayb-sooco oo is-xambaar ha ku soo baxeen. Sidaa si la mid ah lixda Gobal midkiiba Qof Haween ah u jar oo is-xambaar ha ku soo baxeen. Siddeeddaa kursi ka reeb oo 74ka soo hadhay ha ku tartameen Laandheeruhu oo ha ku botoriyeen.

Akhristayaasha sharafta iyo qaayaha leh ee sida joogtada ah ula socday taxanahan Dharaaro Xusuustood waad mahadsan tihiin, waxaanan idiinku soo gebogebaynayaa qeyb ka mid ah heesta uu curiyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan (Xasan Ganey) ee ay qaadi jirtay Boqoradda codka Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) ee aan jeclaa codkeeda markaan dhegaha qabay ayaan idinku sagootiyayaa:

Haddaan calafku ila jirin,

Waanigaa jiciirtee,

Jaaw nabadgelyo,

Jaaw nabadgelyo,

Jaaw nabadgelyo!”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.