WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 24, 2016 (Saxafi) – Dallada Sonsaf ee ururadda bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa kullan la yeeshay xisbiga UCID.

Warsaxaafadeed Daladda Sonsaf soo saartay oo arrintan lagaga hadlay ayaa waxaa uu u dhignaa sidan. “Bishan June 23-keedii 2016-ka, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Xisbiga Caddaalada iyo Dareelka ee UCID, kulankaasi oo ka qabsoomey xarunta dhexe ee Xisbiga.Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Kulankaasi oo daba socdey mid toddobaadkan aynu ku jirno ay la yeesheen Ururada Bulshada Rayidku Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Ujeeddada kulankaasi oo ahayd sidii Ururada bulshada Rayidka ahi ay ula wadaagi lahaayeen talooyin iyo qoraallo ku saabsan hanaanka doorashooyinka la filaayo iney qabsoomaan iyo diwaangalinta waddanka ka socota.

SomlegalAds

sonsafiyoucidUgu horreyn waxa ay ururada bulshadu la wadaageen Guddoomiyaha qoraal ay ku soo ururiyeen talooyinkooda ku aadan sidii wakhtiga dhiman laysku waafajin lahaa in doorashada u diyaargarawgeeda si hufan looga wada shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, isla markaana loo xoojin lahaa sidii doorasho xor iyo xalaal ahi ay waddanka uga dhacdo wakhtiga loogu talo galay,iyo waliba iyaga oo ku booriyey in Xisbiga UCID uu kaalin weyn ka qaato hananaanka horusocod ee lagu hiigsanaayo doorashooyinka soo socda sidii ay wakhtigoda ugu dhici lahaayeen.

Ugu dambeyntii dhammaan Ururadii bulshada ee kulanka ka soo qeyb galay waxa ay su’aalo ka weydiiyeen Guddoomiyaha xaalada u diyaargawga doorasho aragtida xisbiga UCID, isaga oo mid mid uga warceliyey weydiimahaasi oo dhan. Kulankaasi waxa uu ku so dhammaadey si wacan oo dhinacyadu isla qaateen sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.