WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 26, 2016 (Saxafi) – Kullan dhexmaray wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo cuqaasha beesha ayaa lagaga wada hadlay weerarkii dhowaan ka dhacay degmada Hadayta.

Weerarkan waxaa u xidhan salaadiin iyo Cuqaal ku eedaysan weerarkaasi oo ay Maxkamaddaha dalku u direen xadhig rumaan ah oo toddoba cisho ah. Waxaana wararku aanu helay tilmaamayaan in kullankan looga dan lahaa sidii loo dajin lahaa buuq ka taagan goobo lagu muran sanyahay gobolka Ay raaxayaan, Maroodi-jeex, Awdal Iyo Saaxil, kuwaas oo muddo xanibnaa, isla markaana dhinaca la xidhxidhay ku doodayaan in goobtani ka mid ahayd. Balse, sanaaduuq la dhigay iyadoo aan laga heshiin.
Warku waxaa uu sheegayaa in Xubnaha ka socday xukuumadda Somaliland ay kala ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arimaha dibadda iyo maayarka caasimada Hargeysa ayaa maalintii shalay Kulankoodu ka dhacay hudheel Guuleed ee magaalada Hargeysa. Waxaana kulanka ka dib warbaahinta madaxa banana la hadlay Suldanka guud ee beesha Subeer Awal Suldan Xasan Suldaan Cabdilaahi. “Umadayada waan u warami doonaa, in kasta oo ay arrimaha qaar ku fiican yihin in hoos loo hadlo, arrimo kor loo qaadaana waa jiraan, halkan waxaan kula shiraynay dawladii oo aan maanta (shalay) ku balansanayn oo aanu iskugu nimid arrimo ku saabsan nabad galyo, waa arrimo dalka iyo dadkaba u dan ah. Madaama aanu nahay madaxdii dhaqanka iyo xukuumaddii danta ugu wayn ee naga dhaxaysaana ay tahay adkaynta nabad galiyadda iyo xoojinta midnimada shacbiga Somaliland, arrinka aanu ka wada hadlaynayna sida aad u ogaydeen waa arrinkii waqooyiga Hargeysa iyo goobahii daldalnaa mudada dheer ee shacbigu xaquuqdiisa ku la’aa. Muddo dheer ayay shacbiga xeebta dagan ay xuquuqdiisu laalnayd iyadoo xeerka iyo dastuurkuba uu dhigayo sharcigii lixdankii, oo lixdii degmo ee jiray ay isku badaleen gobolo qadiyada ugu waynina waa taa dhulka oo waa tu dastuuri ah oo qawaaniinta iyo xeerkaba waafaaqsan. Intaa waxa noo raacda, raggii salaadiinta iyo madax dhaqameedka ahaa ee maalintii dhawayd halkan xeebta laga soo xidhay ee aanu nabada u dirnay, waxaanu u dirnay daganaanshaha iyo xasiloonida umadda inay ka soo shaqeeyaan. Arrinkan oo uu bahan badhis iyo daganaansho oo u baahan in sii qoto dheer loo lafagurro, raga xidh xidhan waa madaxdhaqameed suldaana qorri ma qaato ee nabad ayuu ka shaqeeyaa oo cumaamad ayuu sitaa. Salaadiintii dhankaa uu baxday ee inamadooda qoryaha ka soo guraysay ayaaba ku jira oo ilaa maanta xidhan oo qodob ah, dawladduna iyadaa ka maasul ah masiirka umadda. Xukuumaddana wali wada hadalo way noo socdaan intaana waan ka wada hadlaynaa arrinkan, wixii intaa la iska taakulayn karaynana waan iska taakulaynaynaa shirkuna labada qodob uun buu ku saabsanaa. ” Sidaas ayuu suldaan Xasan suldaan Cabdilahi hadalkiisa ku soo afjaray.
Dhanka kalena wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo kulankoodaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.