WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 04, 2016 (Saxafi) – Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa waxaa ay maagalada Hargeysa ku qabtey kulan lagaga hadlayey qaabka ugu fiican ee Xujaajta reer Somaliland u gudan karaan wajibaadka xajka iyo sida looga hor tagi karo caqabadaha soo waajaha xujaajta.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada diinta iyo awqafta Sheekh Khaliil, agaasimaha wasaaradaasi Sheekh Saleeban Siciid Cali, wasiirka wasaarada Cadaalada Cadare, wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, gudoomiyaha ururka dhakhaatirta Somaliland, wasirul dawlaha Madaxtooyada, xildhibaano, culmo awdiin ka soctey lixda gobol ee Somaliland kuwaas oo dadka xajka geeya Iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha Diyaaraha.
Waxaana ugu horeyn munaasibadaasi ka Hadley agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali waxaana uu ka war bixiyey u jeedka ay ay kulanka u qabteen waxaana uu yidhi “Yeedhida aanu wasaarad ahaan isku yeedhnay culimada dalka oo dhan waxaa laga hadli doonaa hal qodob oo laga hadli doono xajka iyo sidii aynu u xaji laheyn iskana wareysan laheyn isla markaana ay tahay masuulyadii wasaaradan saarneyd, waxaana aanu u yeedhnay culimadii dadka xajin jirtey dalka oo dhan sababihii aanu xajka iyo arimihiisa aanu iskula eegi laheyn isla markaana aanu ka hor tagi laheyn xalna u sameyn laheyn caqabadaha soo waajaha xujuujta wakhtiga ay gudanayaan wajibaadkaas xajka” ayuu yidhi agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali.
Sidoo kale waxaa isna dhinciisa ka Hadley kana war bixiyey u jeedka ay wasaraada diinta iyo awqaafta Somaliland kulankan u soo abaabushey wasiirka wasaaradaasi Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed waxaana u sheegay in uu yahay kulankani yahay kii ugu horeyey ee la iskugu yimaado lagaga hadlana arimahan maanta laga hadlaayo waxaana uu yidhi “Kulankan aanu manta (Shalay) isku nimid waa sidii aynu u hagaajin laheyn wajibadka xajka oo ah rukni ka mid ah diinteena Islaamka isla markaana loo soo gudan lahaa iyada oo laga hor taayo caqabadaha soo waajaha dadka xujaajta ah xilga ay ku sugan yahiin gudashada waajibkaasi saran waxaanan aad ugu mahad naqayaa culimad arintaas gacanta ku heysa ee dadka kaxeeya oo da daal badan sameeya iyo madaxda shirkadaha diyaaraha oo iyaguna qeyb weyn ka ciyaara.
Somaliland ma aha dal la aqoon san yahay isla markaana ma saxeexno hishiiska xujaajta dawlada Sucuudigu waxay aqoon san tahay dawlada faderaalka ah ee Somaliya oo iyadu hishiiskaasi saxeexda balse waa in aynaan arrintaas isku haleynin oo aynu iskeen wax u qorsheysanaa waxaana aanu halkan iskugu yeedhanay dadkii fikir iyo talo aanu bidney “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland sheekh Khaliil
Dhinca kale waxaa munaasibadan ka Hadley qaar ka mid ah culmo awdiinka Somaliland oo ka yimid lixda gobal ee dalka isla markaana dadka xajka geeya iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha diyaaradaha waxaana ay wasaarada diinta uga mahad naqeen kulankan ay maanta Hargeysa ku qabtey iga oo xusay in kulankani uu ah mid aad loogu baahnaa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.