WorldRemitAds
Burco, Somaliland March 4, 2016 (Saxafi) – Koox dhawaan dhaawacyo fudud u geysatay wariye ka hawlgalla magaaladda Burco ayey maxkamadda gobolka Tagdheer ku riday xukun iskugu jiray xadhig iyo ganaax lacageed.

Kooxdan ayaa ka koobnayd todoba qof waxaanay weerar gacan ka hadal ah u geysteen wariye Axmed Muuse Sakaaro oo kamida wariyayaasha gobolka Togdheer, waxana weerarkaasi dhacay sanadkii hore wakhti uu ku sugnaa magaaladda Burco.
Gaarsooraha maxkamada gobolka Togdheer ayaa shalay maxkamada kaga dhowaaqay xukuno kala duwan isagoo garsooruhu ka warbixiyey sida ay kala yihiin kiisaska fal dambiyeedka ay galeen eedaysanayaashu, waxaana go’aanka maxkamadu u dhignaa sidan “Maxkamada Gobolka Togdheer waxa ay ku xukuntay dambilayaasha kala ah, Cabdillaahi Maxamed Xandule (Afcas) oo hada maqane ah oo ay ku xukuntay 7 sanadood oo xadhig ciqaabeed ah qodobka 440, xubintiisa labaad xeerka ciqaabta guud ayaa loo cuskaday, iyadoo ay maxkamada horteeda kaga cadaadeen in uu galay dambiga dhawaaca culus oo wafaaqsan qodobka 440 xubintiisa labaad ee xeerka ciqaabta guud, islamarkaana uu galay si badheedh ah goor hadh cad ah.
Cabdi Yuusuf Cilmi oo 44 sanno jir ah, maxkamaddu waxay ku xukuntay muddo laba iyo toban bilood ah ama 1 sanno oo xadhig ah oo xadhig ciqaabeed ah iyo ganaax dhan 500, 000 shillinka Somaliland ah. Waxana ay maxkamadu u cuskatay xukunka qodobka 298 ee xeerka ciqaabta guud oo ah gacan siin dambiilaha koowaad ah Afcas inuu u suurta geliyey inuu goobtii ka baxsado, islamarkaana uu ku qaaday gaadhigiisa oo noocisu yahay, Toyota Prado oo numberkiisa yahay Somaliland 31146.
Dambiile Cabdiqani Maxamed Cali oo 20 sanno jir ah waxay ku xukuntay maxkamadu 6 bilood oo xadhig ciqaabeed ah iyo ganaax dhan 300, 000 Somaliland Shilling ah oo ay kaga xukuntay qodobka 298 ee xeerka ciqaabta guud oo ah gacan siin dambiile ay maxkamada horteeda kaga cadaatay, isagoo gacan siin ku lahaa dambiilaha koowaad inuu tahdiid uu ka sameeyo telefoonkiisa gacanta. Cabdirisaaq Cali Jaamac oo 28 sanno jir ah, waxay maxkamadu ku xukuntay ganaax dhan 500, 000 Somaliland shilling ah oo ganaax ah, iyadoo maxkamadu uu cuskatay qodobka 468 xubintaas koowaad ee xeerka ciqaabta guud ka dib markii ay maxkamada kaga hor cadaatay, islamarkaana isagu uu qiirtay in uu la soo hadlay wariye Axmed Maxamed Muuse Saakaro kala hadlay maqaal uu ka qorey maayarka iyo Badhasaabkii hore, islamarkana uu sheegay isagoo u nasteexaynayana uu ku yidhi waxaan iska daa aad qoreysid. ”
 Sidoo kale, maxkamadda gobolka Togdheer waxay xoriyadoodii usoo celisay laba eedaysane oo loo haystay gacansiinta weerarkii wariye Sakaaro lagu dhaawacay oo lagu waayay eedaymahaas loo haystay waxaanay kala ahaayeen.
Aadan Cali Rooble oo 56 sanno jir ah
Jamaal Cabdi Yuusuf oo 23 sanno jir ah
Waxaana maxkamadu ka dhawaajisay inay uga bilaambayaan xadhigoodu danbiilayaashan maalintii la soo xidhay marka laga reebo dambiilaha koowaad ee wariye Sakaaro dhaawaca u gaystay oo ah Cabdilaahi Maxamed Xandule Afcas, kaas oo aan hada la ogayn meel uu joogo ayna sheegeen inay ku daba jiraan soo qabashadiisa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.