WorldRemitAds
London, UK, March 4, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Djibouti iyo Shirkada DP World ee laga leeyahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Maamusha Dekedaha Djibouti ayaa ka hadlay Go’aankii Maxkamadda Britain ee Shalay ay ku sheegtay in Maal-qabeenka Reer Djibouti, Cabdiraxmaan Boorre lagu waayay Dambiyadii lagu soo eedeeyay, loona Fasaxo lacagaha kaga xayiran Caalamka.

War-saxaafadeed ay soo Saartay Xukuumadda Djibouti ayay ku Sheegtay in ay aad uga niyad-jabtay Xukunkii ka soo baxay Maxkamadda UK, isla markaana aanay ku Qanacsanayn Natiijada xukunka iyo garsoorihii xukunka riday. “Jamhuuriyadda Djibouti, Waxay si dhaqso ah ugula Tashanaysaa Qareennadeeda, Sida ugu Habboon ee ugu Wanaagsan ee ku qaadi karto tallaabo, taasoo ay ku jirto Suuro-galnimada inay rafcaan ka qadato xukunkaas,” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka Djibouti.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre ayay Xukuumadda Djibouti ku eedeysay inuu Musuq-maasuq iyo dambiyo kale uu faraha kula jiray, Laakiin Maxkamadda ayaa sheegtay in dambiyada lagu soo oogay Cabdiraxmaan Boorre ay ku wayday. Waxaana Ganacsadahan Xukunka kaddib uu Saxaafadda u sheegay in dambiyadii lagu oogay oo dhan ay ahaayeen kuwo siyaasadeed oo uu soo Abaabulay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle si Sumcaddiisa uu ugu baabi’iyo.
Sidoo kale, Xukuumadda Djibouti ayaa War-saxaafadeedkeedan ku sheegtay in Julian Flaux oo ahaa Xaakimkii Maxkamadda Britain uu u dhaqmay si ka baxsan Garsoorenimada, kana Tallaabsaday Sharciyada Waddankiisa; isla markaana uu xooray gabi ahaan eedeymihii loo haystay Cabdiraxmaan Boorre. “Jamhuuriyadda Djibouti, Waxaa ka go’an sii wadista dacwadaha ka dhanka ah; Cabdiraxmaan Boorre, waxaan rajo ka qabnaa inaan ku guuleysan doonno, eedeymaha loo haysto Boorre Qaarkood waa kuwo aanay Xukuumadda Djibouti ka Hadhayn Weligeed, ” ayaa mar kale lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Dhanka kale, Shirkadda DP World oo Maamusha Dekedaha Djibouti ayaa War-saxaafadeed ay iyaduna soo saartay ku dhaleeceysay Xukunka Maxkamadda UK ay soo saartay, iyadoo hoosta ka xariiqday inay difaaci doonto Xukuumadda Djibouti. “Xukunkan maxkamadeed waa mid lagu dhaleeceynayo Dowladda Djibouti, isla markaana lagu baabi’iyay dacwadihii ka dhanka ahaa ganacsade Boorre, waxaan caddeynaynaa inaan garab-istaagi doonno Xukuumadda Djibouti, illaa dacwaddan ay kaga Guuleysanayso,” ayaa lagu xusay War-saxaafadeedka Shirkadda DP World.
Ugu dambeyn, Xaakimka Maxkamaddii Britain Julian Flaux ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadda Djibouti aanay maxkamada keenin Marqaatiyaal ku filan eedeymaha loo soo jeediyay Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre, Sidaas awgeedna ay ku adkaatay inay Dacwaddan sii wadaan muddo kale, Maadaama aanu Madaxweyne Geelle keensan Markhaatiyaashii laga sugayay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.