WorldRemitAds
Berbera, Somaliland, March 04, 2016, (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa xalay fiidkii shaaciyay inay qabteen siddeed Eedaysane ka mid ah eedaysanayaal loo haysto dilka Taliyihii Qaybta Booliska Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr).

Wasiir Warancadde oo xalay shir’jaraa’id ku qabtay aqalka martida ee magaalada Berbara ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ciidamada dalka Somaliland ay gacanta ku dhigeen dablay hubaysan oo loo haysto dilka Taliyaha, Wasiir Warancadde oo arrimahaasi ka hadlayaa ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa oo uu yidhi. “Waxaad la socoteen dhibaatadii ka dhacday deegaanka Biyooley ee lagu dilay sarkaalkii sare ee ciidamada booliska ka tirsanaa, runtii hawlgal dheer kadib waxaanu ku guuleysanay inaanu qabano ganac ku dhiiglayaashii (Eedaysanayaashii) oo aan jeclahay halkan inaan mahad uga celiyo ciidamada qaranka iyo amaanka ee geesiyiinta ah ee mar walba naftooda iyo dhiigooda ula diyaar ka ah inay ku difaacaan dalkooda hooyo, wixii xumaan wadana ay ka qabtaan. Hawl-galka waxa ka qaybgalay ciidamo badan oo ay ka mid yihiin ciidamada booliska, ciidamada milatariga ee dhulka, ciidamada badda iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee boliska inay qabtaan gacan ku dhiiglayaashii dalkan qalalaasaha ka ridi gaadhay 11-toban nin ayey ahaayeen waxaa la qabtay 8 nin oo midi dhaawac yahay, waxaana imika lagu daba jiraa saddexdii kale oo midi qorigiisii ka cararay laba ayaa qoryo sita, waxaanan filaynaa inay si dhakhso ah gacanta ugu dhigi doonaan ciidanku. ”
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in saddexdii kale ee ka hadhsanaa dabley iyagana sidoo kale gacanta lagu dhigay xalay goorihii dambe, iyadoo la filayo in maantana Aas qaran Berbera loogu sameyn doono Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr), Taliyihii Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil, kaas oo ay koox dabley ahi Salaasadii toddobaadkan ku dishay deegaanka Biyooley oo ka tirsan gobolka Saaxil, waxaana aaskaa Qaran ka qayb-geli doona inta badan Madaxda Xukuumadda, Goleyaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasadda iyo madax dhaqameedka Somaliland.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.