WorldRemitAds
Caruusha, Tansaaniya, March 4, 2016 (Saxafi) – Dalka Somalia ayaa loo diiday inay ka mid noqoto urur ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee EAC, halka koonfurta Suudaan ka mid noqotay dalka lixaad ee ururkaasi ku jira.

Shir maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladda Caruusha ee wadanka Tansaaniya oo ay iskugu yimaadeen wadamadda ku midoobay bariga Afrika ee EAC ayaa labadan dal ee Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan sanadihii u dambeeyey doonayeen inay ku biiraan, hase yeeshee, waxa la go’aamiyey inay lagu daro koonfurta Suudaan oo kaliya halka Soomaaliya loo diiday, waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye.
Ururka EAC ayaa kor u sii Qaadayaa Dhaqaalaha Suuqa Bulshada Bariga Afrika oo gaadhsiinayo tirada shucuubta EAC ka faa’iideysanaya 162 Milyan oo qof; Sida lagu xusay Warbixin laga soo saaray Shirweynaha 17-aad ee Xubnaha ku mideysan ururka EAC.
Ururka EAC ayaa wuxuu shacabka waddamada xubnaha ka ah u ogolaanayaa in dal-ku-gal uu sii dalbado aan aan laga doonayn haddii uu doonayo inuu mid ka mid ah dalalkan safar ku tago, sidoo kale waxaa ka dhexeeya heshiis ah in ganacsigu uu si canshuur la’aan ah uu isaga gubi karo dalalkooda. Waxaana ururkan horay xubno uga ahaa; Uganda, Tansaaniya, Kenya, Burundi iyo Rwanda, iyadoo Waddanka lixaad uu noqonayo dalka Koonfurta Sudan.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in dalka Koonfurta Sudan oo ay Colaado ka jiraan, laga doonayo inuu buuxiyo dhammaan shuruudaha ka mid noqoshada EAC, kuwaas oo ay ka mid yihiin; inay ixtiraamto mabaa’dida Dimuquraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, isla xisaabtan, hufnaan iyo cadaaladda bulshada.
Waxaa kale oo, Warbixinta laga soo saaray Shirka Caruusha lagu xusay in Waddan walba oo ururka ka mid ah looga baahan yahay inay ilaaliyaan qodobbo ay ka mid yihiin; Fursadaha shaqo oo loo sinnaado, sinnaanta jinsiga iyo sidoo kale in Xuquuqda Aadanaha uu dhowro, isagoo Waafajinaya Axdiga Midowga Afrika iyo kuwa kale ee Caalamiga ah.
Dalka Koonfurta Sudan ayaa dalbaday ka mid Noqoshada Ururka EAC ee ay ku Mideysan yihiin Dalalka Bariga Afrika, kaddib markii ay xorriyadda qaateen bishii July ee Sannadkii 2011-kii.
Xukuumadda Juba oo dhowr jeer laga horjoogsaday inay xubnaha Ururka ka mid noqoto noqoto, kaddib markii la sheegay in aanay lahayn hay’ado dowladeed oo awood leh, ayaa sannadkan ugu dambeyn loo ogolaaday, xilli colaad sokeeye ay ka jirto dalkaas.
Waxaana ka mid noqoshada Waddanka Koonfurta Suudaan ee EAC ay kusoo beegmaysaa xilli hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo Qaramada Midoobay ay ku eedeeyeen Xukuumadda Juba iyo Mucaaradka inay galeen dambiyo dagaal iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha ah.
Bishii lasoo dhaafay ee sannadkan ayay mas’uuliyiinta xukuumadda Juba waxay difaaceen Go’aankooda ka mid Noqoshada Ururka kulmiya Bulshada Dalalka Bariga Afrika ee EAC, iyagoo sheegay inay buuxiyeen Shuruudihii uu Ururku ku xidhay ee ahaa; ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dimuqraadiyadda ayana buuxiyeen arrimahaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.