WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, March 04, 2016, (Saxafi) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Somalia ayaa shalay dil Toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Al-shabaab, kaas oo muddo sannad ka badan ku xidhnaa xabsi ay Hay’adda Sirdoonka Somalia ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Dhageysiga dacwaddii loo haystay Xasan Xanafi oo ay ka mid ahaayeen; inuu mas’uul ka ahaa dilal Muqdisho loogu geystay wariyeyaal, ayaa waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo guddoomiyaha maxkamaddu uu sheegay inay xukunkan rideen kaddib markii ay arkeen caddeymo maxkamadda la horkeenay, ayna hor-yimaadeen maxkamadda markhaatiyaal ku marag-furay. “Waxaa Maxkamadda la Hor-keenay Caddeymaha Dambiyadii lagu soo eedeeyay, Xanafi, isla markaana ay hor-yimaadeen Maxkamadda Markhaatiyaal ku marag-furay, Waxaana ay maxkamaddu ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji dil Toogasho ah, ” ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqayay natiijada xukunka maxkamadeed.
Sidoo kale, Col. Shuute ayaa xusay in Xasan Xanafi ay ku Caddaatay in uu ka dambeeyay Toogashada Wariyeyaal kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Cali Iimaan Sharma’arke, Sheekh Nuur Abkeey iyo weliba Siciid Tahaliil Axmed.
 Xilliyadii la kala Dilay Wariyeyaashan ayaa Waxay kala ahaayeen Sidan;
  1. Mahad Axmed Cilmi ayaa waxaa la dilay – 11-kii September, 2007-kii
  2. Cali Iimaan Sharma’arke ayaa waxaa la dilay 11-kii September, 2007-kii
  3. Saciid Tahliil Axmed ayaa waxaa la dilay 04-tii February, 2009-kii
  4. Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa waxaa la dilay 08-dii June, 2009-kii
  5. Sheekh Nuur Abkeey ayaa waxaa la dilay 04-tii May, 2010-kii
Xukunkan Maxkamadeed ee lagu riday Xasan Xanafi ayaa Wuxuu kusoo beegmayaa Xilli Xasan Xanafi Xaaji uu toddobaadyo ka hor Wareysi siiyay Radio Muqdisho uu ku sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilkii wariye Sheekh Nuur Abkeey, balse aanu lug ku lahayn dilalkii loo geystay wariyeyaasha kale.
Wuxuu kaloo, Xasan Xanafi uu Wareysigiisan ku sheegay in Al-shabaab ay Wariyeyaasha oo dhan u haystaan kuwo riddo ah oo diinta ka baxay, ayna ugu xukuman yihiin dil, isagoo sheegay in uu wax ka ogaa dilalka Wariyeyaasha kale ee lagu eedeeyay inuu dilalkooda lug ku lahaa.
Dhanka kale, Xanafi ayaa Waxaa lagu Qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya bishii sideedaad ee Sannadkii 2014-kii, iyadoo Nabad-sugidda Somalia lagu soo Wareejiyay Dhammaadkii isla sannadkaas 2014-kii, isagoo tan iyo xilligaasna ku xidhnaa mid ka mid ah xabsiyadda ay Sirdoonka Dowladda Somalia ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin.
Ma aha markii ugu horreysay oo Xukunno noocan oo kale ah ay ku Riddo Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, kuwaasoo la dilay qaarkood, halka kuwo kalena ay weli u xidhan yihiin Dowladda Somalia.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.