WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 12, 2016 (Saxafi) – Xisbiga KULMIYE, ayaa xalay masuuliyiin cusub u magacaabay xilal kala duwan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobolka Maroodi-Jeex ee Xisbiga KULMIYE, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga KULMIYE Maxamed Iid Dhimbiil oo masuuliyiin cusub u magacaabay maamulka degmooyinka 31-ka May iyo Maxamed Mooge oo ka tirsan magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi-Jeex, waxaanu war-saxaafadeedka magacaabista ahi u dhignaa sidan:

“Ujeeddo: Magacaabis Maamulka Demooyinka 31-ka May iyo Maxamed Mooge ee Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE

SomlegalAds

Waxaan digreeto Guddoomiye ku magcaabay maamulka degmooyinka caasimada Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa kadib:-

Markaan arkay muhiimadda dhismaha maamulka degmooyinka caasimada ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga,

Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul,

Waxaan maanta oo ay bishu tahay December 11, 2016 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan maamulka degmooyinka 31-ka May iyo Maxamed Mooge ee Gobolka Maroodi-jeex xisbiga KULMIYE:-

  1. Axmed Sheekh Xuseen Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha degamada 31-ka May ee xisbiga KULMIYE.
  2. Saleebaan Xaashi Nuur – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka degmada 31ka May ee xisbiga KULMIYE.
  3. Cabdikhaddar Cabdillaahi jirde – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha degmada 31ka May ee xisbiga KULMIYE
  4. Axmed Cismaan Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada degmada 31ka May ee xisbiga KULMIYE
  5. Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug – in maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa abaabulka iyo wacyigalinta degmada 31ka May ee xisbiga KULMIYE
  6. Cabdisalaam Axmed Maxamed – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge ee xisbiga KULMIYE
  7. Khaalid Cawil Jaamac – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Maxamed Mooge ee xisbiga KULMIYE
  8. Bashiir Cumar Cigaal – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha degmada Maxamed Mooge ee xisbiga KULMYE
  9. Maxamed Cabdillaahi Wali – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Maxamed Mooge ee xisbiga KULMIYE.

Allaa Mahad Leh.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.