WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 11, 2016 (Saxafi) – Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa wadahadallo la furay garabka Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI ee uu hoggaamiyo Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed.

Kulan hordhac u ah wadahadallo si rasmi ah ugu bilaabmaya xisbiga KULMIYE iyo garabka Toosinta iyo Caddaaladda, ayaa ka qabsoomay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo ay yeesheen guddiyo kala matalaya labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin iyo Guddoomiyaha Garabka Toosinta Axmed Muumin Seed.

Wadahadalkan oo ujeeddadiisu tahay sidii labada dhinac u wada aasaasi lahaayeen jawi is af-garad oo ay ku midoobi karaan, isla markaana isku gaashaan-buuraysan karaan, ayaa xubno ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay uga warrameen warbaahinta.

SomlegalAds

Ugu horrayn xog-hayaha guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo isagu kelmado kooban ka jeediyey madashii ay wada-hadalladu ka furmeen, ayaa hoosta ka xarriiqay inay wada-hadalladu bilow yihiin, waxaannu yidhi, “Waxa noo bilaabmay wada hadal xisbiga kulmiye iyo garabka caddaaladda ee xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Axmed Muumin Seed wadahadalkiina maanta (shalay) si wanaagsan ayuu noogu dhammaaday, kulankayaga dambena waxa uu noqonayaa maalinta isiniinta ee soo socota,waxaanan rajaynaynaa inaanu is af garad wanaagsan gaadhno.”

Maxamed Abiib oo ah Xoghayihii siyaasadda ee xisbiga WADDANI, haatan katirsan garabka uu hoggaamiye Axmed Muumin Seed oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa rajo fiican ka muujiyey wada-hadallada, waxana uu sheegay inuu horumar iyo is af-garasho rajaynayo, waxana uu yidhi,“Runtii wada hadalkaasi maanta ayuu furmay,waxaanan rajaynaynaa in maalinta isiniinta ah ee inagu soo fooda leh inuu kulankiisii 1aad uu qabsoomo,waxaanan rajaynaynaa inuu geedi socod fiican uu ku socon doono.”

Wadahadallada u bilaabmay xisbul-xaakimka KULMIYE iyo garabka toosinta iyo caddaaladda ee uu hoggaamiye Axmed Muumin Seed, ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxana inta badan shacabka reer Somaliland dhawrayaan qodobada lagu heshiin doono iyo weliba qaabka labada dhinac iskaga kaashan doonaan cududooda siyaasadeed.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.